holac-qabsiinood (daaw.) Jirrada ama h. q. oo astaanta ugu horreysa ay tahay uur xanuun dhinaca midig ee hoose. Waxaa weheliya, sida badan, matag iyo qandho.
holac-xuub-ubuceed (daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iwm. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.
holac-xuub-wadneed (daaw.) Halaamacood muddo gaaban ama muddo dheer ee xuubka wadnaha (pericardium) ku daboolan.
holan ld holon.
holansad ld holmisasho.
holansan Wax holan lagu dubay ahaansho.
holansanaan eeg holansan. ld holansanaansho.
holansanaansho ld holansanaan.
holansasho ld holmisasho.
holanso ld holmiso.
holce Waxyaabo si sahlan dabka u qabsan og, sida aalkolada, baansiinka iwm.
holci 1. Dab holac ka keenid. 2. Wax gubid.
holcid eeg holoc².
holcin eeg holci.
holgan 1. Qof dulman ahaansho. 2. Qof diifi ka muuqato ahaansho.
holganaan eeg holgan. ld holga-naansho.
holganaansho ld holganaan.
holid eeg hol. ld holis.
holis ld holid.
hollad ld hollasho.
hollasho eeg hollo. ld hollad.
holli Wax tijaabin.
hollin eeg holli.
hollo U h.: wax samayntooda damcid.
hollob Xuub yar, khafiif ah oo ka kaca jirka dadka markuu basaaso ama uu la kulmo cimilo uusan u baran.
holmi Wax holan gelin.
holmin eeg holmi. ld holmis.
holmis ld holmin.
holmisad ld holmisasho.
holmisasho eeg holmiso. ld holansad, holansasho, holmisad.
<< < 743 744 745 746 747 748 749 750 751 752 753 > >>