faddare 1. F. ah: qof ku dhaqma wax aan diinta Islaamka iyo dhaqanku oggoleyn; nijaas. 2. F. ah: wax nijaasi gaartay. ld faddaro.
faddaree Wax faddaro ka dhigid, wax baabi'in.
faddaro ld faddare.
faddaroobid eeg faddarow². ld faddarow¹.
faddarow1 ld faddaroobid. faddarow2 Wax, faddaro noqosho. faddhac1 F. ah: go'idda wax cadad ka go'aan ee uu yeesho meelo daloola. faddhac2 Wax, cadad meelo daloola u yeela ka go'id. faddhicid eeg faddhac².
faddo 1. Meel dhulka kale in yar ka sarreysa, bannaan oo la dego waqtiga roobabawda. 2. Taag.
fadeexad ld fadeexo.
fadeexayn eeg fadeexee.
fadeexee Cid fadeexo ku samayn; dacaayadeyn.
fadeexo Fal xun oo aan qarsoonayn; ceeb, facsharo.
fadeexoobid eeg fadeexow.
fadeexow Fadeexo la kulmid.
fadfad1 Godgod yaryar oo cudurka furuqu ku reebo jirka nafleyda; furuqdhaw, furuqdhoon. fadfad2 1. Jir nafley humbuluuluqid. 2. Raashin karaya tiqid. fadfadid eeg fadfad².
fadgoo ld fadgooyo.
fadgooyo 1. Qiimagoo lagaga deyanayo gataha u horeeya waxa uu bixiyo. 2. Hanti yar oo xoolo gooyo ahaan qof loo siyo. 3. Waxtar horaadka laga helo shay kharaj ku baxay. 4. Cadad waaweyn oo wax loo googooyo. ld fadgoo.
fadhaq-dareen (daaw.) Miiqaqo dareen- wadaha ee unugga dareenwade, kuwaasi oo u gudbiyo gujooyinka dareen wade jidhka unugga dareen wadaha.
fadhi1 1. Qaabka iyo xaalada qof salka dhulka ku haya. 2.(-iyo, m.dh) Rug la degganyahay. Tus. “Fadhigeygu waa Afgooye”. 3. Lo' tiradeedu boqol gaartay. 4. Shir muhim ah. Tus. “Fadhigii shalay la galay go'aan wax-ku-ool ah ayaa ka soo baxay”. 5. Caano f. ah: caano garoor ah; eedaq. 6. Qolka f.ga: qol loogu taloggalay in la fadhiisto. 7. ld fadhiyid. fadhi2 1. Salka meel dhigid. 2. Rasmi ahaan meel u degid. fadhibarad Ilmo yar oo bilaabay fadhi.
fadhibarasho eeg fadhibaro.
fadhibaro Ilmo yar gaarid waqti uu fadhiisto isagoon cidi hayn.
fadhiid F. ah: ilmo cudur, nafaqaxumo awgeed waqtigii uu socon lahaa aan socon.
fadhiidnimo Fadhiid ahaansho.
fadhiisad ld fariisasho.
page : 9 of 73
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>