Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: herso
dhabarjabid  eeg dhabarjab². ld dhabarjab¹ (3).
dhabarjebi  1. Qof hawl dhib badan ku qabasho. 2. Gadaal ka soo wareerid (cadaw iwm).
dhabarjebin1  Heerka bislaanshaha miraha ee gahayrnimada ka dambeeya. dhabarjebin2  eeg dhabarjebi. ld dhabarjebis. dhabarjebis  ld dhabarjebin².
dhabarjebshe  Cudur xanuun leh oo ku dhaca dhabarka nafleyda.
dhabarjeedi  1. Cararid. 2. Cid wax u diidid.
dhabarjeedin  eeg dhabarjeedi. ld dhabarjeedis.
dhabarjeedis  ld dhabarjeedin.
dhabarxanuun  Xanuun dhabarka ku dhaca.
dhabas1  Koore duug ah. dhabas2  Wadaan aad u dhammaatay. dhabasho  eeg dhabo. ld dhabad.
dhabataysad  ld dhabataysasho.
dhabataysasho  eeg dhabatayso. ld dhabataysad, dhabataysi.
dhabataysi  ld dhabataysasho.
dhabatayso  Qof qumanyaysasho.
dhabato  Karti isha dadku leedahay oo la rumaysanyahay inay cid wax ku yeeli karto.
dhabayn  eeg dhabee.
dhabayoco  Dh. ah: qof saqajaan ah.
dhabbabireed  Jidka tareenku maro.
dhabbac1  1. Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigto. 2. ld dhabbicid. dhabbac2  Si loo seexdo oo qofku caloosha dhulka dhigid. dhabbacan  Wax dhabbac u jiifa ahaansho.
dhabbacasho  eeg dhabbaco. ld dhambacaadsad, dhambacaadsasho, dhambacaadsi.
dhabbacnaan  eeg dhabbacan. ld dhabbacnaansho.
dhabbacnaansho  ld dhabbacnaan.
dhabbaco  Dhabbac u jiifsasho (qof). ld dhambacaadso.
dhabbaggacal  Wadiiqo yar oo isku xirta laba qoys oo deris ah.
dhabbaggal1  1. Waddada geelu ku arooro. 2. ld dhabbaggelid.
page : 83 of 218
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 88 > >>

 

Exit mobile version