Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jeeraarin
jamo Si aad ah wax u jeclaysasho.
jan 1. Wax jeclaysi jirro oo kale ah oo ku dhaca haweenka uurka leh. 2. Jacayl xad dhaaf ah.
janaabo ld jinaabo.
janaaso 1. Waxa meydka loo sameeyo, kolka uu dhinto taniyo kolka laga aaso. 2. Qaadidda meydka, meesha uu ku dhintay, taniyo xabaalaha. 3. ld jinaaso. Tukashada (salaad) meydka lagu tukado. ld jannaaso.
janab Dabin loo dhigo bahallada iyo ugaarta.
janan Derejo sare oo ciidamadu leeyihiin oo ka sarreysa gaashaanle sare.
janbeel Bahal dabacadeeyaha la eg oo ku nool dhulka buuraleyda ah oo cuna sagaarada.
janfar Dhalfo; gonfor; jeefaar. ld fanjar.
janjal 1. Saabka gadawgiisa sare ee wareegsan. 2. Qufad yar oo lagu rido alaabta udugga ah. 3. J. ah: qof toosan oo qurxoon.
janjali Wax janjal u yeelid.
janjalin eeg janjali.
janjanni Dhiriq lo'aad aad u qoyan.
janjeedh ld janjeer¹.
janjeer (1) Wax gees u iilan. ld janjeedh.
janjeer (2) Wax gees u qalloocsamid.
janjeeri Wax dhan u qalloocin.
janjeerid eeg janjeer².
janjeerin eeg janjeeri.
janjeersad ld janjeersasho.
janjeersan Wax janjeera ahaansho.
janjeersanaan eeg janjeersan. ld janjeersanaansho.
janjeersanaansho ld janjeersanaan.
janjeersasho eeg janjeerso. ld janjeersad, janjeersi.
janjeersi ld janjeersasho.
janjeerso Wax dhinac u iilasho.
jannaaso ld janaaso.
jannaayo Bilaha qorraxda lagu xisaabo ee sanadka midda ugu horraysa.
jannayn eeg jannee.
jannee Janno gelin.
janno Meel raaxo badan leh oo Eebbe dadka wanaagsan ku abaalmariyo.
<< < 823 824 825 826 827 828 829 830 831 832 833 > >>

 

Exit mobile version