Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: guryan
jecleysiin eeg jecleysii. ld jecleysiis.
jecleysiis ld jecleysiin.
jecleyso Wax aad u rabid.
jed ld jarmo.
jeeb (1) Meel wax lagu rito oo dharka la gashado ku tolan.
jeeb (2) 1. Wax si tartiib ah u goyn. 2. Ka j.: wax, wax kale iyadoo inta dheeriga ah laga jarayo la ekeysiin. 3. Ka j.: cid dembi ay gashay ka gudid.
jeeb-isgudub (xis.) Marka shaxan adke ah loo jaro sallax ahaan ama shaxan sallax ah ee ka soo baxa jariddaas oo kale. Tusaale ahaan, j.i.ka mara dhex-bartanka kubbad waa goobo.
jeeban 1. Wax qiyaas lagu gooyey ahaansho. 2. Ku j.: wax, wax kale lala ekeysiiyey ahaansho.
jeebid eeg jeeb².
jeebis-dherer (baay.) Nooc ka mid ah sida ay u habaysanyihiin qaybaha iyo organnada xayawaanku kaas oo jidhka loo qaybin karo laba badh oo ah hummaagyo muraayadeed oo mid waliba sallax goonniya saaranyahay. Xayawaan-nada jeebis dherer waxay leeyihiin hab dhaqdhaqaaq oo u goonniya, kaas oo had iyo jeer hal dhinac jidhka u hoggaamiya.
jeeble 1. Ganacsade yar oo badeecada la wareega. 2. Qof sigaarka ku gada bannaanka.
jeebnaan eeg jeeban. ld jeebnaansho.
jeebnaansho ld jeebnaan.
jeed 1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.
jeedaali 1. Wax meel fog ka eegid. 2. Dibi sac wadaalin.
jeedaalin eeg jeedaali.
jeedaalo Fiirinta wax meel dheer laga eego.
jeedal (1) Suun adag oo dabo la qabsado leh oo fardaha iwm lala dhaco si ay orodka u badiyaan; nadi. ld jeydal.
jeedal (2) (baay.) Shaabuug qaab dherer yar leh ilaa 150 maykaroon/m. oo laga helo oogaada unugyada qaarkood, gaar ahan unugyada taranka ee socda. Tusaale ahaan isbeermatosowa, bakteeriya iyo qaar ka mid ah borotosowa.
jeedal (3) Jeedal wax la dhicid.
jeedalid eeg jeedal². ld jeedlid.
jeedalley (baay.) Dir ka tirsan faylamka borotosoowa, xubnahoodu waxay leeyihiin jeedal loo adeegsado socodka.
jeedi 1. Wax foolkoodu jiho gaar ah ku aaddanaa meel kale u duwid. 2. Cid hawl ay fulin lahayd ka hoosaasin. 3. Hadal, khudbad, iwm meel fagaare ah ka sheegid.
jeedid eeg jeed.
jeedin eeg jeedi.
jeedlid ld jeedalid.
jeedsad ld jeedsasho.
jeedsasho eeg jeedso. ld jeedsad.
jeedshe (xis.) Xarriiq toosan oo la xiriirta toobineed. Fogaanta xarriiqdani ay u jirto bar kasta oo ku taalla toobineed oo loo qaybiyey fogaanta ay barmaguuraan ah u jirto bar taasi waa saami madoorsoome ah.
jeedsii U j.: cid dusha wax ka tusid.
<< < 830 831 832 833 834 835 836 837 838 839 840 > >>

 

Exit mobile version