jeed
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)

1. Sii j.: cid dhabarka xijin. 2. Soo j.: habeen hurdo ka tegid (cid). 3. U j.: muuqaal il ku hayn. 4. U j.: meel aadid. 5. Ula j.: fal ama hadal ujeeddo gaar ah ka lahaan.

U JEEDO*

Macne.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Jeedaasha*

Jeedaasha 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Jeedaasha*

Jeedaasha 


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeed

laab [m.dh]
1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad. qalbi, niyad, xabad

naa [u.j]
Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa. naayaa

qaabbil [m.l] (-llo, m.dh)
1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga. hortayda, tooskayga

saab [m.l]
1. (xis.) Nooc ka mid ah toobineed oo leh xoodbeeg le'eg hal. Ama xood uran oo ku wanqaran dhidibkiisa. Barta uu xoodku ka gooyo dhidibka waa geeska. Habdhiska kulanka kaartis saabku waxa uu leeyahay isle'eg beegaal oo leh sansaanka y = 4ax. 2.ÿ(xis.) Ururka baraha in u wada jira xarriiq iyo bar maguuraan ah. Xarriiq-da waxa la yiraahdaa jeedshe bartana kul-mis.

jaah [m.l]
1. Sharaf: magac-weyni. 2. Soo jeedka qofka inta indhaha ka sarreysa; weji, fool. 3. Woqooyi (bad).

daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.

ee [u.j]
Eray qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo. Tus. “Ee aabbe!”. ld eeyaa. eeyaa

eedayso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-stay, -satay)
Eed isu jeedin.

eedee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cid eed u jeedin.

haaraan [m.l]
1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. ld haaraamid. haaraamid

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg