Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: khawaafad
boqool (1) ld baqoolid.
boqool (2) ld baqool².
boqoole Socod la socdo waqtiga qorraxdu aad u kulushahay. ld baqoolid.
boqooli ld baqooli.
boqoolid ld baqoolid.
boqoolin ld baqoolin.
boqoolis ld baqoolin.
boqoolsii ld baqoolsii.
boqoolsiin ld baqoolin.
boqoolsiis ld boqoolin.
boqor (1) 1. Nin madax u ah tol ama qaran oo xakunkiisu dhaxaltooyo yahay. 2. Maro dhuuban, dheer, qurux badan, dacallada bul ku leh oo haweenku dhexda ku xirtaan. 3. B. ah: neef riyo ah oo dhexda midab ku leh.
boqor (2) Qof boqornimo u caleemo saarid.
boqorad Haweeney madax u ah tol ama qaran xukunkeedu dhaxaltooyo yahay; marantida boqorka.
boqornimo Boqor ahaansho.
boqortiirshe Gacan yaraha boqorka.
boqortooyo 1. Nidaam iyo xukun ka jira dal boqor u taliya. 2. Waddan boqor xukumo.
boqoshaa Nooc ka mid ah likaha oo la cuno.
boqran Qof boqornimo loo caleemo saaray ahaansho.
boqranaan eeg boqran. ld boqranaansho.
boqranaansho ld boqranaan.
boqrasho eeg boqro.
boqrid eeg boqor².
boqro Qof boqornimo u caleemo saarasho.
boqshad ld baqshad.
bor Maroodi lab, xoog weyn oo raxanta hoggaamiya; arbe.
borobogaanda (siyaa.) War iwm oo la xiriira fidin dicaayad ama xayeesiin arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iwm.
borojekshan-koombeed (juqr.) Khariidad la soo saaro marka warqad koombo oo kale u samaysan lagu wareejiyo galoobka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa koombada dusheeda, dabadeedna koombada waa la kala fidiyaa..
borojekshan-sargo'an (juqr.) Nooc khariidad brojekshan ah, taas oo u muuqata sida iyadoo galoobka laga arko fogaansho ma dhawaato ah, sidaas darteed hal galoob-badh ayaa lagu muujiyaa khariidad brojekshan. Fallaaraha ilayska ee borojekshanka samayntiisa saldhig u ah waa barbaro waxayna ku qotomaan sallaxa borojekshanka.
borojekshan-toobineed (juqr.) Khariidad la sameeyo marka galoobka lagu wareejiyo warqad toobin oo kale u samaysan. Figta toobinku way ka sarraysaa cidhifka dhulka. Khariidadda waxaa lagu xardhaa toobinka dushiisa, dabadeedna toobinka ayaa la kala fidiyaa.
boromiin (kiim.) Curiye hoor ah oo guduudan, firfircoonidiisuna heer dhexe tahay, kana tirsan haloojinnada (ururka VII ee tusaha kalgalka curiyayaasha).
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 > >>

 

Exit mobile version