dhalanxun Wax dabeecad, fir, muuqaal iwm oo aan la jeclaysan leh ahaansho.
dhalashadadii ciise (dii.) Ciid karishtaanka ay u ciidaan markii uu dhashay Nebi Ciise 25 bisha Diseember.
dhalasho 1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo².
dhalco 1. Kulka qorraxda subaxnimo. 2. Meel bannaan oo aan har lahayn.
dhaldhalaal (1) Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn. ld dhaldhalaalid.
dhaldhalaal (2) Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn yeelasho (wax).
dhaldhalaalid eeg dhaldhalaal². ld dhaldhalaal¹.
dhaleecayn eeg dhaleecee.
dhaleecee Cid dhaleeco u jeedin.
dhaleeco 1. Cudur bushinta ku dhaca oo ay la caddaato. 2. Eed iyo ceebayn loo jeediyo cid fal xun ku kacday.
dhalfee Nin naag u galmoosho.
dhalfeyn eeg dhalfee.
dhalfiif Jab yar oo ka mid ah wax burburay.
dhalfo Xubinta taranta ragga inteeda hore oo ay buuryadu daboosho marka uusan gudnayn.
dhali (1) Afka hore ee xubinta taranta dhiddigoodka.
dhali (2) 1. Dheddig foolanaya ilmo ka soo qabasho. 2. Ciyaar kubbadeed dhibco ka keenid (qof).
dhalid eeg dhal². ld dhalis², dhalmo.
dhaliil (1) Daldalool iyo iin wax leeyahay.
dhaliil (2) Daldalool iyo iin wax leeyihiin sheegid.
dhaliilid eeg dhaliil².
dhalin eeg dhali². ld dhalis¹.
dhalis (1) ld dhalin.
dhalis (2) ld dhalid.
dhaliye (fiis.) Qalab awoodda mekaanikaad u beddela awoodda danabka. Warshadaha danabka, waxa ay soo saaraan qulqul talantaali ah, waxana la yidhaahdaa talantaaliye.
dhallaamayn eeg dhallaamee.
dhallaamee Saansaan dhallaan isu yeelid; iscarruurayn.
dhallaan Carruur yaryar; ilmo.
dhallaanciil Muddo sannad ka yar oo qof da'diisa lagu tirsho. ld dhallinciil.
dhallaandhuux ld dhalaandhuux.
dhallaanhabaabis Wirwir; dhalanteed, dhaandabaggaalla.
<< < 91 92 93 94 95 96 97 98 99 100 101 > >>