gaadaan2 Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin. gaadaansad ld gaadaansasho.
gaadaansan Wax si gaadaan ah loo xiray ahaansho (awr la rarayo).
gaadaansanaan eeg gaadaansan. ld gaadaansanaansho.
gaadaansanaansho ld gaadaansanaan.
gaadaansasho eeg gaadaanso. ld gaadaansad, gaadaansi.
gaadaansi ld gaadaansasho.
gaadaanso Awr la rarayo si gaadaan ah u xirasho.
gaadaar 1. Haan duug ah. 2. Weel yar oo daawada xoolaha lagu dhayo lagu shubo.
gaadaddo Nafley badda ku jirta oo xiddigtadhul u eg.
gaadala-aqoon ld gadaala-aqoon.
gaadasho eeg gaado².
gaaddabbuur1 1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo. gaaddabbuur2 U g.: guulguul samayn (cid). gaaddabbuurid eeg gaaddabbuur².
gaaddaxir Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.
gaaddo 1. Xabad. 2. (-ooyin, m.l) Ulo af dhuuban lehoo shacdurka lagu ciyaaro.
gaade 1. Col yar oo hubaysan oo isu raaca in ay wax dilaan; dooxato. 2. Xanuun sambabada wareema.
gaadeeryo 1. Dheddigga goodirka. 2. Nooc ka mid ah deerada buuraha ku nool. 3. Nooc carmada ka mid ah.
gaadid eeg gaad². ld gaadis, gaadmo, gaadniin.
gaadiid Wax kasta oo la rarto, laguna guuri karo.
gaadiidsad ld gaadiidsasho.
gaadiidsasho eeg gaadiidso. ld gaadiidsad, gaadiidsi.
gaadiidsi ld gaadiidsasho.
gaadiidso Wax gaadiid ka dhigasho.
gaadis ld gaadid.
gaadmo Kedinta si lama filaan ah wax loogu kediyo. ld gaadid.
gaadniin ld gaadid.
gaado Wax si gaar ah u qiimeyn.
gaado1 Asluub; dhaqan.
page : 2 of 102
< 1 2 3 4 5 6 7 > >>