maddooyeysasho eeg maddooyeyso. ld maddooyeysi.
maddooyeysi ld maddooyeysasho.
maddooyeyso Maddooyamaddooyo ciyaarid.
maddooyo ld maddooyammaddooyo.
madduul Madow uu qaacu ku reebo meelaha uu saameeyo. ld maduul.
madfac Qalab hubka waaweyn oo lagu dagaallamo ka mid ah, ka samaysan birlab ama macdan kale oo adag, lehna dhuun dheer oo ay ka ridmaan jaliilado qarxada oo wax guba waxna burburiya.
madhaafaan 1. Heerka wax ugu sarreeya oo ayan moodi karin. 2. Wax qiimo iyo qaayo badan leh. 3. Arrin iwm oo xallinteedu qasabtahay.
madhale Nin aan naag rimin karin. ld madhaleys¹.
madhalennimo (daaw.) Awoodid la'aan ilmo dhalidda oo ka timaadda ama bacrin la'an ama qof dhali karey oo qalliin lagu sameeyey oo si ula kac ah ama aan ula kac ahayn wax u gaareen mid ka tirsan xubnaha taranka. ld madhaleysnimo.
madhaleys1 ld madhale. madhaleys2 ld madhasho. madhaleysnimo ld madhalennimo.
madhan (fiis.) Dululaati uu ka jiro cadaadis hoose oo neef ah micnaheeduna tahay xaddiga atamyada ama molikiyuulada ayaa aad u hooseeya.
madhasho Naag aan rimi karin. ld madhaleys².
madhintannimo Madhinte ahaansho.
madhinte 1. (dii.) Eebbe, Ilaah. 2. (dii.) Aan dhiman.
madhoodhee Wax tiradooda ama tayadooda buunbuunin.
madhoodheyn eeg madhoodhee.
madhoodho 1. Buunbuuninta wax tiradooda ama tayadooda la buunbuuniyo. 2. Wax aan faa'iido lahayn.
madhxin (fiis.) Summad C. Astaanta keydinta saldanabka ee ay gudbiye ama urur gudbiyeyaal iyo ma-gudbiye leeyihiin. Madhxinta madhxiye waa saami saldanabka Q ee hal gudbiye iyo keyd faraqa u dhexeeya labada gudbiye. Halbeegga madhxintu waa farad. C = Q/V.
madhxiye (fiis.) Ratibaad laba gudbiye oo uu ma-gudbiye u dhexeeyo, leh awoodda kaydinta saldanabka. Madhxinta madhxiyuhu waxa ay ku xirantahay xajmiga, qaabka iyo habka ratibaadda gudbiyeyaasha.
madi1 Nin aan lahayn walaalo rag ah. madi2 1. Gabar aan lahayn walaalo. 2. Neef xoolo ah oo caano badan leh. madid eeg mad². ld medid.
madiid1 ld midiid¹. madiid2 ld midiid². madiidid ld midiidid.
madiidimi ld midiidimi.
madiidimid ld midiidimid.
madiidimin ld midiidimin.
page : 1002 of 1584
<< < 997 998 999 1000 1001 1002 1003 1004 1005 1006 1007 > >>