mashashuurid eeg mashashuur². ld manshashuur¹, manshashuurid, mashashuur¹.
mashiiggaan ld mashiinggaan.
mashiin 1. Makiinad. 2. Motoor.
mashiingaan Qori boobe ah oo cago leh oo xabbadihiisu silsilad dheer ku taxanyihiin. ld mashiiggaan, mishiggaan.
mashiiqsasho eeg mashiiqso. ld mashiiqsi.
mashiiqsi ld mashiiqsasho.
mashiiqso 1. Wax la calalinayo dheecan ka nuugid. 2. Ka m.: sanqar afeed diidmo ah oo yasidi ku dheehantahay muujin.
mashmash1 1. Miro aad u bislaaday; dhuguc. 2. Nooc bur-saliidka ka mid ah oo macaan. 3. ld mashmashid. mashmash2 Miro aad u bislaasho. mashmashid eeg mashmash². ld mashmash¹ (3).
mashood Roob aad u weyn.
mashquul1 M. ah: hawllan oo aan faraaqo lahayn. mashquul2 Ku m.: qof hawllan oo aan faraaqo lahayn noqosho. mashquuli Ku m.: qof mashquul ka dhigid.
mashquulid eeg mashquul².
mashquulin eeg mashquuli. ld mashquulis.
mashquulis ld mashquulin.
mashquulsan Wax la mashquuliyey ahaansho (qof).
mashquulsanaan eeg mashquulsan. ld mashquulsanaansho.
mashquulsanaansho eeg mashquulsanow. ld mashquulsanaan.
mashquulsanow Ku m.: (qof) wax la mashquuliyey noqosho.
mashruuc 1. Dhismo lagu hirgelinayo qayb abuurta ilo dhaqaale, sida warshad, beer, iwm. 2. Hay'ad wax-soosaar oo badanaaba dawladi maal geliso. 3. Qorshe.
mashxarad1 Dhawaaq dheer, googo'an oo haweenku carrabkooda ku sameeyaan waqtiga farxadda, arooska iwm; alalaas; carrabdhow. mashxarad2 Haween mashxarad samayn. mashxaradid eeg mashxarad².
masiibo ld musiibo.
masiil 1. Dheecaanka geedaha. 2. Dharab.
masiix (dii.) Magacyada nabi Ciise mid ka mid ah.
masiixi (dii.) Qof diintii nebi Ciise haysta.
masiixinnimo (dii.) Kiristaan ahaansho (qof).
page : 1045 of 1584
<< < 1040 1041 1042 1043 1044 1045 1046 1047 1048 1049 1050 > >>