murugood eeg murugoo. ld murgood.
murugsad ld murudsasho.
murugsan 1. Xarig iwm wax murgey ahaansho. 2. Wax murug hayso ahaansho.
murugsanaan eeg murugsan. ld murugsanaansho.
murugsanaansho eeg murugsanow. ld murugsanaan.
murugsanow Wax murugsan ahaansho.
murugsasho ld murudsasho.
murugsato ld murudsato.
murugso ld murudso.
muruq1 Xanuun ka yimaada muruq gala ama ku roora meel aan meeshiisii ahayn (sida kan lafta garabka hoosteeda gala). muruq2 (c.nafl.) Sooh unugyadiisu ay leeyihiin awood isku roor iyagoo sameynaya xoog ama dhaqaaq. Muruqyadu waxay leeyihiin, habab ay tamarta kiimikaad ugu rogi karaan tamar makaanikaad. muruq diillimaysan (c.nafl.) Sooh muruqyada jirku ka sameysanyihiin, waxa kale oo loo yaqaan muruq qalfoofeed, maxaa yeelay wuxuu ku dheganyahay qalfoofka wuxuuna dhaqaajiyaa lafaha; waxa kale oo loo yaqaan muruqa loo taliyo maxaayeelay dhaqaajintisu waxay ku xirantahay qofka taladiisa.
muruq iraadi ah (c.nafl.) Muruq dhaqdhaqaaqiisa lagu xukumo rabitaan, inta badanna waxa uu ku dhegsanyahay qalfoofka.
muruq iraadla' (c.nafl.) Muruq aan dhaqdhaqaaqiisa xukumin rabitaan, laakiinse uu wado habdhiska darenwadka iswada. Inta badan waxa uu ku dhacaa falnaq.
muruq miiqle (c.nafl.) Muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka koobanyahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.
muruq sisiban (c.nafl.) Muruq waxqabadkiisa aan la xukumi karin, xukunkiisu waxa uu hoos yimaadaa habdhiska dareenwadka dhexe. Muruq iraadla'oo ka kooban unugyo dhaadheer oo qaab toobin oo kale ah oo aan miiqnayn. Unugyadaas waxa loo helaa keli keli, kooxo ama waxay ku fidsanyihiin maqaarka, waxay ku wareegsanyihiin gummudka timaha, waxa kale oo laga helaa marinka dheefshiidka, marinka hawada, marin kaadi taranka iyo habdhiska wareegga dhiigga.
muruq-roor (daaw.) Muruq iskuroor xoog weyn oo dhici kara ama cudur guud ahaan jirka saameeya sida: curyaamidda muruqa koogsan. Ama meel kooban ee jirka xaalad xanuun badan awgeed.
muruqmaal Qof shaqaale ah oo aan farsamo gaar ah lahayn, kuna nool waxa ka soo baxa xooggiisa. ld addinmaal.
muruqmaalid Shaqo gacmeed.
muruqxanuun (daaw.) Iskuroorid muruq iyo xanuun muddo dheer socda.
murux1 1. Miraha qaarkood sida garaska iwm oo dubkii kore laga qaaday. 2. M. ah: qof qaawan. 3. M. ah: wax aan diir lahayn. 4. ld murxid. murux2 Wax dubkii ka dhacay noqosho. muruxsan 1. Wax la murxiyey ahaansho. 2. Wax qaawan ahaansho.
muruxsanaan eeg muruxsan. ld muruxsanaansho.
muruxsanaansho ld muruxsanaan.
murwee Cid sharfid ama maamuusid. ld marwee.
murweyn eeg murwee. ld marweyn.
murweysan Cid wax la sharfay ahaansho. ld marweysan.
murweysnaan eeg murweysan. ld marweysnaan, marweysnaansho, murweysnaansho.
murweysnaansho ld murweysnaan.
page : 1105 of 1584
<< < 1100 1101 1102 1103 1104 1105 1106 1107 1108 1109 1110 > >>