muusannow2 Qaylo badan oo qof cid u hiilisa ugu yeerto samayn. muusaw Qosol yar oo dhooluhu muuqdaan sameyn. ld muusoo.
muusid1 eeg muus². muusid2 (jool.) Dusidda biyuhu ay ka dusayaan dulduleellada carrada iyo jeexjeexa dhadhaabaha iyagoo markaas dhulka hoos u sii gelaya. muusika 1. Dhawaaq dheguhu ku raaxaystaan dhabaq lahayn oo ka dhasha qalab ama wax ka badan oo la garaaco ama la yeeriyey. 2. Hees iyo qalab la tumayo oo wadajira. ld muusiqa.
muusiqa ld muusika.
muuso Qosol yar oo dhoolluhu muuqdaan.
muusoo ld muusaw.
muusood ld muusaabid.
muwaaddin Qof ka mid ah dad waddan u dhashay.
muwaafaqo Heeshiis iyo samo lagu wada noolaado.
muxaadarad Khudbad cilmiyeed oo meel fagaare ah laga jeediyo. ld muxaadaro.
muxaadaro ld muxaadarad.
muxtaaj M. ah: qof baahi wax u qaba.
muxubbo ld maxabbo.
n Xarafka afar iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.
na1 Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koobaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aanay ku jirin. Tus. “Idinkaa na siiyay buuggan”. na2 1. (-na) Qurub lagu xiriiriyo laba tixood. Tus. “Dariishadda fur, nalkana demi”. 2. Xataa. Tus. “Waxa Guuled la siiyay Warfaana ha la siiyo”. 3. Midkoodna,mana. Tus. “Midkoodna ma imaan karo, qofna ma iman”, “Waxaan oo kale weligay ma arkin mana maqlin”. naa Erey qof dumar ah loogu dhawaaqo ama loogu yeero ama lagu soo jeediyo; magac ayaa badanaa ka dabadhaca. Tus. “Naa Kaaha!”, “Naa Ubax”. ld naayaa.
naa'ib 1. Mudane ka tirsan barlamaanka. 2. Wakiilka qof madax ahi leeyahay.
naab1 ld naabid. naab2 (daaw.) Qolof qallalan oo fuusha bishimaha qofka marka uu harraado ama uu bukoodo; jiil. naab3 1. Wax fur ku adkeyn. 2. Ku n.: wax la kor saaray wax kale ku dhejin. naaban 1. Wax fur lagu naabay ahaansho. 2. Wax wax kale kor lagaga dhejiyey ahaansho.
naabid eeg naab³. ld naab¹, nabid.
naabnaab1 1. ld naannaab 1. N. ah: qof caqli yar oo shiddo badan. 2. ld naabnaabid. naabnaab2 1. Qof, wax shiddo badan oo caqli yar noqosho. 2. Qof faqri daran la kulmid. 3. Ku n.: si foolxun oo ka fuqid lahayn ugu dhegid u qabsasho. ld naannaab². naabnaabi Naabnaab ka dhigid (qof). ld naannaabi.
naabnaabid eeg naabnaab². ld naabnaab¹, naannaab¹, naannaabid.
naabnaabin eeg naabnaabi. ld naannaabin.
page : 1113 of 1584
<< < 1108 1109 1110 1111 1112 1113 1114 1115 1116 1117 1118 > >>