suufi 1. Qof aan aqoon u lahayn diinta aadna u jecel. 2. Qof fudfudud oo waxyaabaha uu samaynayo aan ka fiirsan.
suufinnimo Suufi ahaansho.
suufiyoobid eeg suufiyow.
suufiyow Suufi noqosho.
suugaan 1. Hadal tix ama tiraab ah oo murti hugan. 2. Laan aqoonta ka mid ah oo la barto; adab. 3. Naq; doog; cosob. ld soogaan.
suugaanley Dad suugaanta aqoon u leh.
suugaanyahan Qofka suugaanta yaqaan ama baara.
suugee Cunto suugo ku darid.
suugeyn eeg suugee.
suugeysad ld suugeysasho.
suugeysan Cunto wax suugo loo yeelay ahaansho.
suugeysasho eeg suugeyso. ld suugeysad, suugeysi.
suugeysi ld suugeysasho.
suugeysnaan eeg suugeysan. ld suugeysnaansho.
suugeysnaansho ld suugeysnaan.
suugeyso Cunto suugo ku darsasho.
suugo Iidaan ka kooban, hilib, khudrad iwm oo laysku kariyey oo cuntada lagu darsado (siiba baastada).
suuji Cid ceejin.
suujin eeg suuji. ld suujis.
suujis ld suujin.
suul1 Farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal. suul2 Wax dhammaasho. suulalgoys Carsaanyo. ld suulgoys.
suuldaar1 1. Xiridda hal godlan weyday suulka laga xiro si ay u godlato. 2. eeg qonof. 3. ld suuldaarid. suuldaar2 1. Cid jillaafayn. 2. Hal godlan weydey suulka ka xirid si ay u godlato. suuldaaran Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.
suuldaarid eeg suuldaar².
suuldhabaalayn eeg suuldhabaalee. ld suuldhabaalays.
suuldhabaalays ld suuldhabaalayn.
suuldhabaale Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
page : 113 of 118
<< < 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 118 >