Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: galabdheer
barraaji Kala b.: wax laba qeybood oo isla'eg u kala dhambalmid.
barraajin eeg barraaji.
barraajis 1. Geed caleemo balballaaran iyo miro la cuno leh oo dhulka ku faafa. 2. Geed dhulka ku faafa,leh laamo dhaadheer oo jilicsan, caleemo balballaaran oo khudrad ahaan loo cuno.
barraaq In muddo ah si macna la'aan meel u fadhiyid (qof).
barraaqdo Cudur bushimaha ku dhaca oo caddeeya; biijo.
barraaqid eeg barraaq.
barraaqsad ld barraahsasho.
barraaqsasho ld barraahsasho.
barraaqsi ld barraahsasho.
barraaqso ld barraahso.
barrad 1. Xarig ka mid ah xargaha waaweyn ee doonyaha. 2. Dakhalka meesha ugu sarreysa ee uu farmaanku ugu xiranyahay.
barras ld baras.
barriiji 1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.
barriijin eeg barriiji. ld barriijis.
barriijis ld barriijin.
barriin Dhar ama lacag gabar guur laga doonayo la siiyo.
barriiqasho eeg barriiqo².
barriiqo (1) Raadka uu wax sabiibixday dhulka ku reebo.
barriiqo (2) Ku b.: wax meel sibiibix ah ku sidbasho.
barroosi ld barroosin.
barroosin Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.
barsad ld bersed.
barsakhan Barwaaqo.
barshin ld barkin¹.
barshinwaraabe ld barkinwaraabe.
barsho Nooc ka mid ah xanjo oo laga dhaliyo xabagbarsho.
barso ld bersed.
bartame Bar wax labo qeybood oo isla'eg u kala qeybisa. ld bartan.
bartan ld bartame.
bartilmaameed 1. Calaamad la isla wada yaqaan ama wax lagu aqoonsado. 2. Meel la isla wada yaqaan.
<< < 114 115 116 117 118 119 120 121 122 123 124 > >>

 

Exit mobile version