Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qarasheyn  eeg qarashee. ld qarashyeyn.
qarasheysan  Bakoorad, jeedal iwm oo qarash lagu sameeyey ahaansho. ld qarashayeysan.
qarasheysnaan  eeg qarasheysan. ld qarashayeysnaan, qarasayeysnaansho.
qarasheysnaansho  ld qarasheysnaan.
qarashyee  ld qarashee.
qarashyeyn  ld qarasheyn.
qarasoobid  eeg qarasow.
qarasow  Wax qaras qaaday noqosho.
qaraw1  Hadal iyadoo la hurdo lagu hadlo. qaraw2  1. Riyo dhexdeed hadal la maqlayo ku dhawaaqid. 2. Xanuun la tarsaasiyid (qof). qarax1  1. Shanqar xoog leh oo ka dhalata walxaha marka ay kulayl dareemaan ama wax kale saameeyaan. 2. Q. ah: cunto aan iidaan lahayn. 3. Q. ah: dhul oomane ah oo aan biyo lahayn. 4. Q. ah: hadal aan murti ku dheehnayn. qarax2  Wax, qarax sameyn. qarayn  eeg qaree. ld qirayn.
qarbad  ld qarbed.
qarbaqarbee  Wax si degdegsiinyo ah u samayn.
qarbaqarbeyn  eeg qarbaqarbee.
qarbaqarbo  Degdeg.
qarbed  1. Harag cukad ah oo loo farsameeyey in biyaha lagu shubto. 2. Weel maro adag ka sameysan oo biyaha lagu shubto. ld qarbad.
qarbidix1  Tolmada ugu dambeysa ee weel afkiisa lagu sameeyo; rigrigo. qarbidix2  Weel rigrig afka kaga tolid. qarbidxan  Wax qar bidix lagu tolay ahaansho (weel).
qarbidxanaan  eeg qarbidxan. ld qarbidxanaansho.
qarbidxanaansho  ld qarbidxanaan.
qarbidxasho  eeg qarbidxo.
qarbidxid  eeg qarbidix².
qarbidxo  Weel qarbidix ku tolasho.
qarbud1  Qasid wax nidaamsanaa lagu sameeyo. qarbud2  1. Rabsho sameyn. 2. Wax nidaamsanaa isku qasid. qarbudaad  1. Qasidda la isku qaso wax nidaamsanaa. 2. ld qarbudid.
qarbudid  eeg qarbud². ld qarbudaad (2).
page : 1193 of 1584
<< < 1188 1189 1190 1191 1192 1193 1194 1195 1196 1197 1198 > >>

 

Exit mobile version