Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qaroofnaansho  ld qaroofnaan.
qaroomaale  Caws adag oo rarada laga sameeyo.
qaroomato  Dhacarato. ld qaroomaysato.
qaroomaysad  ld qaroomaysasho.
qaroomaysasho  eeg qaroomayso. ld qaroomaysad, qaroomaysi.
qaroomaysato  ld qaroomato.
qaroomaysi  ld qaroomaysasho.
qaroomayso  Meel dhacar leh ku noolaansho.
qaroon  Geed quwaax aan qodax lahayn, leh asal wanaagsan, xabag la calashado iyo qolof shaah laga dhigto.
qaroor  Ul dhumuc leh, weyn oo lagu dagaallamo.
qarow1  ld qaraw¹. qarow2  ld qaraw². qarqar1  Inta u dhexeysa garabka korkiisa iyo luqunta; deg. qarqar2  Qarqaryo dareemid. qarqarayn  eeg qarqaree.
qarqaree  Dhul buuraley ah qardajeexid.
qarqari  Ka q.: cid cabsi gelin. ld qarqarsii.
qarqarid  eeg qarqar².
qarqarin  eeg qarqari.
qarqariye  1. Dhaxan weyn oo lala gariiro; diilalyo. 2. (-yayaal, m.l./dh) Mid kasta oo ka mid ah qoorta labadeeda muruq. ld qarqariyo.
qarqariyo  ld qarqariye.
qarqarrooti1  1. Q. ah: socod dheeldheelli ah oo la iska yeelyeelo. 2. ld qarqarrootiyid. qarqarrooti2  Socod dheeldheelli ah socosho. qarqarrootiyid  eeg qarqarrooti². ld qarqarrooti¹ (2).
qarqarsi1  Qaab loo xiro awrka iyadoo jeenigiisa iyo luquntiisa la iskula xiraayo xarig si uusan u kicin inta la raraayo. ld qarqarsiinyo. qarqarsi2  1. Awr la rarayo jeenigiisa iyo luquntiisa xarig iskula xirid si uusan u kicin inta la rarayo. 2. Ku q.: cid wax ku khasbid. ld qarqarsii. qarqarsii  ld qarqari; qarqarsi².
qarqarsiin  ld qarqarin; qarqarsiyid.
qarqarsiinyo  ld qarqarsi¹, qarqarsiyid.
qarqarsinaan  eeg qarqarsiyan. ld qarqarsinaansho.
page : 1197 of 1584
<< < 1192 1193 1194 1195 1196 1197 1198 1199 1200 1201 1202 > >>

 

Exit mobile version