Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qasan1  1. Biyo iwm wax kale ku labmid. 2. Qof xasillooni darro maskaxeed la kulantay noqosho. qasan2  1. Biyo iwm oo wax ku labmay ahaansho. 2. Qof xasilloonidarro maskaxeed la kulantay ahaansho. qasdi  ld qasad¹.
qasdid  eeg qasad².
qasgoo  Neef riman soo sid-dhaweyn (sac ama hal).
qasgoyn  eeg qasgoo.
qash  1. Geedo yar oo isku baxay; fuur. 2. Q. ah: cunto si xun loo karshay.
qashaaf1  ld qashaafid. qashaaf2  1. Qof islaweyni aan dhab ahayn muujin. 2. Ka q.: cid jirro ama yasid awgeed uga fogaansho. qashaafid  eeg qashaaf². ld qashaaf¹.
qashar  ld qashir.
qashinqub  Meel qashinka lagu daadsho.
qashir  1. Qayb ka mid ah qaybaha xabbadda badanaa ka samaysan maar, leh qaabka dhululubada, oo ay ku dhex jirto baaruud, afka horena ku wadata sulub. 2. Gufarka caleenta shaaha ama bunka oo weelka salkiisa ku hara. ld gashir, qashar.
qashoobid  eeg qashow.
qashow  1. Cunto iwm qash noqosho. 2. Geed-hoosaad badan wax isku baxay noqosho.
qashqash  ld khashkhash².
qashqashaad  ld khashkhashaad.
qashqashid  ld khashkhashid.
qashwad  Haan ka samaysan, harag, weyn oo biyaha lagu dhaansado.
qasid  eeg qas².
qasiido  (dii.) Maanso diimeed, lagu ammaano ama lagaga sheekeeyo shaqsiyaad gaar ah oo diinta Islaamka magac iyo maamuus ku leh.
qasil1  1. Caleenta geedka gobka oo shiidan oo loogu qabeysto saabuun ahaan. 2. ld qasaasilid. Mayrista cuntada qaarkeed sida bariiska iwm la mayro inta aan la karin. qasil2  ld qasaasil². qasilasho  eeg qasilo.
qasilid  ld qasaasilid.
qasilo  Wasakh biyo iskaga nadiifin.
qasir  ld qasri.
qaslad  ld qasli.
qasli  Dahaarad la'aanta ku dhacda qof galmo sameeyey ama junnuubay. ld qaslad.
qasmaansad  ld qasmaansasho.
page : 1202 of 1584
<< < 1197 1198 1199 1200 1201 1202 1203 1204 1205 1206 1207 > >>

 

Exit mobile version