qayaayow Qayaayo noqosho.
qayacato Nooc xabagta ka mid ah oo dhirta qaarkeed laga helo oo leh midab cad, aadna u adag oo wax la iskula dhejiyo.
qayax1 1. Q. ah: wax aan qarsoonayn oo si wanaagsan loogu wada jeedo. 2. Wax sida badar, geed iwm oo diirka laga qaaday. 3. Laf hilibkii laga guray. qayax2 1. Wax diirka sare ka qaadid. 2. Laf hilib ka gurid. 3. Si wanaagsan wax u sheegid. qayaxan1 1. Geed wax diirkii ka qaadmay noqosho. 2. Laf wax hilibkii ka dhamaaday noqosho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay noqosho. qayaxan2 1. Wax diirka sare laga qaaday ahaansho. 2. Laf, wax hilibkii laga guray ahaansho. 3. Hadal iwm wax si wanaagsan loo sheegay ahaansho. qayaxmid eeg qayaxan¹.
qayaxnaan eeg qayaxan². ld qayaxnaansho.
qayaxnaansho ld qayaxnaan.
qayb1 Q. u: kulli, dhammaan, giddi, idil. qayb2 1. Wax dhowr meelood loo kala dhigay middood; in.; qaar. 2. Qaybinta tiro mid kale loo qaybiyey. 3. Maamulka laga xakumo dhowr gaar oo mileteri ah. 4. Maamul goboleed laga xakumo ciidan boolis ah. qayb3 (nax.) Qaybaha hadalka: magac waagii hore aad loogu adeegsan jiray xagga kooxaynta ereyada, kala soocnaantooduna waxay ku salaysanayd xagga qaab naxweedyada iyo xagga micnahaba. qayb4 Wax Alle mooyee cid kale ogaan karto aan jirin. qayb5 Wax kor ka barasha. qayb bulsho (bul.) Dabaqad bulsheed, ama nidaam dawlad oo ku dhisan u kala qeybinta dadweynaha kooxo, iyada oo fiirinaysa reerkooda, darajadooda, maalkooda iyo shaqadooda iwm.
qayb goobo (xis.) Qayb ka mid ah goobada ee ka sammaysanta laba gacmood dhexdood iyo meeriska. Bedka q. g. waa 1/2 r +, taas oo r ay tahay acanka, +-na tahay xagasha.
qayb-xareedayn (kiim.) Hab xareedayn ah oo la sameeyo iyada oo la isticmaalayo dhuun fidsan oo ku qotonta dhalada xareedaynta. Habkani wuxu suurogelinayaa in hoorarka loo kala sooco qaybo heerka bididdoodu kala duwantahay laguna ururiyo herkullo kala geddisan.
qaybgal1 Ka q.: ka qayb qaadashada hawl la qabanayo. ld qaybgelid. qaybgal2 Ka q.: hawl la qabanayey ama wax kale qayb ka qaadasho. qaybgale Ka q.: qof hawl ama tartan la qabanayo ka qayb qaadanayo.
qaybgeli Ka q.: qof hawl, tartan, arrin iwm in uu qayb kaqaato u oggolaan.
qaybgelid eeg qaybgal². ld qaybgal¹.
qaybgelin eeg qaybgeli.
qaybi 1. Wax dhawr qaybood ka dhigid. 2. Ku q.: hawl, arrin iwm cid kale ku aaddin.
qaybid eeg qayb³.
qaybin eeg qaybi. ld qaybis.
qaybis eeg qaybi. ld qaybin.
qaybiye Qof wax qaybiya. ld qaybshe.
qayblibaax Wax qaybtooda ugu badan ama ugu muhiimsan.
qaybqaadasho eeg qaybqaado.
page : 1207 of 1584
<< < 1202 1203 1204 1205 1206 1207 1208 1209 1210 1211 1212 > >>