qod4 1. Meel duleelin. 2. Beer ka shaqeyn. qodaal 1. Hawl ku saabsan wax qodidda iyo falidda siiba beeraha. 2. Q. ah: dhul ku habboon beerashada. 3. Daloolinta la dalooliyo dhul.
qodaal buureed Hab qodaal oo u gaar ah tiirooyinka buuraha iyo kuraha la beerto; tiirooyinka ayaa la googooyaa gidaaro ama dhinacyo dhiidhi ah waxa si wareeg ah looga dhisaa karinnada samaysmay, markaa biyaha waraabka iyo carradaba way xajistaan.
qodan1 Dhul wax la qoday noqosho. qodan2 1. Dhul, meel iwm wax la qoday ahaansho. 2. Beer wax la falay ahaansho. qodasho eeg qodo.
qodato Dad beeraley ah oo ku nool tabcashada beeraha.
qodax Caaradda yar oo fiiqan, waxna mudda oo geedaha qaarkood bixiyaan.
qodaxbadeed Gaadaddo.
qodaxtool Nagaar yar oo qodax badan: meeshii qodaxi muddo oo laga bixin waayo baa xididkiisa la saaraa oo qodaxdii lagu soo baxshaa.
qodban 1. Wax la qodbay ahaansho. 2. Gabar bikro ahaansho.
qodbanaan eeg qodban. ld qodbanaansho.
qodbanaansho ld qodbanaan.
qodbid eeg qodob².
qoddo 1. Dhererka meel la qoday leedahay. 2. Wax intiisa aasan. 3. Macnaha fog ee hadal leeyahay. ld qoto.
qode 1. Cirboor; cirwareen; leexo. 2. Nooc qaadka hareeriga ka mid ah oo gaagaaban aadna u jilicsan.
qodhacayso Qondhaco isu dhigid (nafley).
qodid eeg qod². ld qoditaan, qodniin, qodow.
qoditaan Qodidda la qodo god iwm. ld qodid.
qodmid eeg qodan¹.
qodnaan eeg qodan². ld qodnaansho.
qodnaansho ld qodnaan.
qodniin ld qodid.
qodo 1. Dhul falasho. 2. Meel dumsasho.
qodob1 1. Dun, xarig iwm oo laba waxood ama ka badan la iskula qabto. 2. Musmaar gaaban oo dabada u buuran oo kabaha lagu qurxiyo. 3. Qaybaha sharciga u qaybsama mid ka mid ah. 4. Summad xoolaha lagu dhigto oo u eg nuunka carabiga oo hoos u jeeda. 5. Qormooyinka wargeyska ku qoran mid ka mid ah; maqaal; qormo. qodob2 (nax.) Qurub magacyada qaarkood ka raaca dhammaadka si uu uga dhigo wax cayiman. Tus. “Aqal-ka”, “inan-ta”. qodob3 1. Dun, xarig iwm laba waxood iskula qabasho. 2. Musmaar gaaban oo daba buuran leh kabo iwm ku qurxin. 3. Gabadh la guday tolid. qodobka rh (baay) Lid jidh-dhakooliye oo joogistiisa ama maqnaanshihiisu unugyada cascas ee dhiigga guudkooda ay ku samayso salka habdhiska kooxaha dhiigga ee rh.
qodow ld qodid.
qof1 1. Shakhsi aadami ah. 2. Q.na: ninna, cidna. 3. Q.af: dad.
page : 1216 of 1584
<< < 1211 1212 1213 1214 1215 1216 1217 1218 1219 1220 1221 > >>