Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: misow
dheerayn eeg dheeree. ld dheerays.
dheerays ld dheerayn.
dheeraysii 1. (f.g) Wax xawliga ay ku socdaan kordhin. 2. (f.mg) U dh.: cid waxay qeyb u lahayd wax ka badan siin.
dheeraysiin eeg dheeraysii.
dheerdheere ld dheerdheero.
dheerdheero 1. Geed qoodxeed jeerinka u eg oo leh miro iyo xabag la cuno. 2. Xajiin jirku la barbararo. ld dheedheero, dheerdheere.
dheerdheeroo Wax dheerdheero hayso noqosho. ld dheedheeroo.
dheerdheerood eeg dheerdheeroo. ld dheedheerood.
dheeree 2 (-reeyay, -raysay) 1. (f.g) Wax dhererkiisa kordhin. 2. (f.g) Wax meel ka fogeyn. 3. (f.mg) Orod ama socod kordin. 4. U dh.: cid waxay qeyb u heshay in ugu darid.
dheeri (1) ld dheeraad.
dheeri (2) ld dheeraan.
dheerow 1. Wax dhererkiisu kordhay noqosho. 2. Ku dh.: wax muddo dheer ku qaadasho. Tus. “Shirkii waa lagu dheeraaday”. 3. Wax meel ka durkay noqosho.
dheertaxaniinyo Cayayaan dhulka xammaarta, dhuuban, dheer lugo badan oo qaniinyo kulul. ld dhiirtaxaniinyo, dhuurtaxaniinyo.
dheg (1) 1. Xubinta maqalka nafleyda. 2. Hilqadaha haweenku isku qurxiyaan ee dhegaha dacalkooda surtaan middood. 3. Weel, qalab iwm meesha la qabto si loo qaado ama loo jiido. 4. Magac wanaagsan; caannimo; sharaf. 5. Shebeg lakabyo isa saaran ah, xanjo ka samaysan oo ay shinnidu malabka ku keydsato, ilmahana gashato.
dheg (2) 1. Subag iwm xarkagid. 2. Cid iwm nabmid. 3. Ku dh.: wax gacanta xoog ugu qabasho.
dheg-kafaar (1) ld dhakafaarid.
dheg-kafaar (2) ld dhakafaar².
dheg-kafaari ld dhakafaari.
dheg-kafaarid ld dhakafaarid.
dheg-kafaarin ld dhakafaarin.
dheg-kafaarsan ld dhakafaarsan.
dheg-kafaarsanaan ld dhakafaarsanaan.
dheg-kafaarsanaansho ld dhakafaarsanaan.
dhega-adag Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho.
dhega-adayg (1) Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. ld dhega-adkaan.
dhega-adayg (2) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid.
dhega-adaygid eeg dhega-adayg².
dhega-adkaan eeg dhega-adag. ld dhega-adayg¹, dhega-adkaansho.
dhega-adkaansho eeg dhega-adkow. ld dhega-adkaan.
dhega-adkow Wax dhega-adag noqosho.
<< < 119 120 121 122 123 124 125 126 127 128 129 > >>

 

Exit mobile version