qurmuunaan eeg qurmuun². ld qarmuunaan, qarmuunaansho; qurmoonaan, qurmoonaans.
qurmuunaansho ld qurmuunaan.
qurqur 1. Meesha kuusan ee cunaha ragga ku taal; bocor. 2. (-rro, m.dh) Labada cirif ee qaansada middood.
qurquri Hoore si dhaqso ah u cabbdi.
qurqurin eeg qurquri. ld qurquris, qurquro (3).
qurquris ld qurqurin.
qurquro 1.Laf jilicsan oo shafka geelu ka samaysan yahay. 2. Qolob-dhabashada awr qooqani sameeyo. 3. ld qurqurin.
qurqursan U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).
qurqursanaan eeg qurqursan. ld qurqursanaansho.
qurqursanaansho ld qurqursanaan.
qursi 1. Weel yar oo qori ka samaysan oo badarka iwm lagu cabbiro. 2. ld qurus. In cunto ah oo qof hal mar la siiyo.
qurub1 Gabal yar. qurub2 (nax.) Macag caam ah oo tilmaama curiyeyaal aan lahayn micno u gaar ah marka ay keligoodu yihiin, waxayse qayb weyn ka qaataan xagga dhismaha weerta, waxaana ka mid ah: “ma” oo ah q. diidmo; “baa”/”ayaa”, “aa” oo ah q. diiradeed magac; “waa” oo ah q. diiradeed fal; “ma”, “miyaa” oo ah q. weyddiimeed. qurub3 Wax cadcad yaryar ka dhigid. qurub-logardam (xis.) Qaybta togan ee ka mid ah logardamka tiro ee ah jajab tobanlaha ku yaalla midigta barta tobanlaha.
qurud1 Cudur geela dheddig sabiisha wareeggeeda uga dhaca oo badanaa keena dhalmo la'aan, haddaan laga daaweyn. qurud2 Harag timo ka wada hoolid. qurumo Gudin yar oo weelasha lagu qoro. ld qorimo.
qurumohuluko Qurumo masaarta u eg.
qurumoqoobley Gudin yar oo weelasha lagu qoro.
qurun1 ld qurmuun¹. qurun2 Wax in muddo ah meel yaalay ur xun yeelasho. qurunsan Wax qurmay ahaansho.
qurunsanaan eeg qurunsan. ld qurunsanaansho.
qurunsanaansho ld qurunsanaan.
qurunsasho eeg qurunso.
qurunso 1. Dugaagga qaar ka mid ah hilib qurun ka dhigasho. 2. Wax qarsasho.
qururumsad ld qurdudumsasho.
qururumsasho ld qurdudumsasho, qurjujubsasho.
qururumsi ld qurdudumsasho, qurjujubsad.
page : 1239 of 1584
<< < 1234 1235 1236 1237 1238 1239 1240 1241 1242 1243 1244 > >>