reeb1 1. ld reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. ld reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo. reeb2 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iwm cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid. reeban 1. Wax samayntooda iyo cuniddooda la diiddanyahay ahaansho. 2. Laba xaraf wax shaqal la iskula xiray ahaansho.
reebanti 1. Magac xiddig dadku sharaystaan. 2. Qof dhasha xilliga xiddigga reebanti uu muuqdo.
reebasho eeg reebo.
reebban Fal samayntiisa la xaaraantinnimeeyey ahaansho.
reebbanaan eeg reebban. ld reebbanaansho.
reebbanaansho ld reebbanaan.
reebe ld reeb.
reebi Biyaqabatin weyn ku sameysma buuraha agtooda.
reebid eeg reeb². ld reebis.
reebis ld reebid.
reebnaan eeg reeban. ld reebnaan-sho.
reebnaansho ld reebnaan.
reebo 1. Wax la bixinayo qaar la harid. 2. Wax fal xun ka celin.
reebtoomid eeg reebtoon.
reebtoon Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid.
reeci Waran, ul, fallaar iwm dalfin.
reecin eeg reeci.
reed Dhinac; gees; baal; dhan.
reeme 1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (c.nafl.) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
reemid eeg reen². ld riimid.
reen1 1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. ld riin¹. reen2 Hal dhashay, qof buka, libaax iwm reen samayn. ld riin². reer 1. Laba qof oo isqaba iyo ubadkood; qoys. 2. Dhawr qoys oo wadaaga dhalasho ama degaan.
reerbaaddiye Dad miyiga ku nool ee aan reer magaalaha ahayn; reermiyi.
reerbaaddiyenimo Reerbaadiye ahaan-sho.
reerbeled Reermagaal.
reercad Geela iyo riyaha.
reerguuraa1 Dad xoola dhaqata ah ee hadba degaan cusub u guura.
page : 1264 of 1584
<< < 1259 1260 1261 1262 1263 1264 1265 1266 1267 1268 1269 > >>