Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hiilley
beerfalow 1. Wax ka beeridda dhulka dushiisa si looga soo saaro dalagyo. 2. ld beerfalid.
beerfarriije Geesi dilaa ah.
beerfuur ld beergooyo.
beergooye ld beergooyo.
beergooyo Siinta qof ku soo biiray dad beeralay ah oo meel wada deggan la siiyo dhul ku meel gaar ah oo uu sii beeryo. ld beerfuur, beergooye.
beergoys Xilliga dalagga beeraha la gooyo oo ku beegan bilowga xagaaga iyo diraacda (jiilaal).
beeri Miro sida lawska yicibta iwm. qubka sare ka qaadid.
beerid eeg beer³. ld beeris.
beerin eeg beeri.
beeris ld beerid.
beerjilcan Qof raxmad badan ahaansho.
beerjilcanaan eeg beerjilcan. ld beerjilcanaansho, beerjileec (2).
beerjilcanaansho ld beerjilcanaan.
beerjileec 1. Raxmad iyo debecsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beerjilcanaan.
beerkurus Cudur beerka geela ku dhaca oo baruur u yeela.
beerkutaal 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. ld uurkutaallo. ld beerkutaallo.
beerkutaallo ld beerkutaal.
beerlaag (baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo hal beer leh.
beerlamaane (baay.) Mid ka mid ah labada dir ama labada dir hoosaad ee dhirta ubaxleyda, ayaa lagu gartaa iniintooda oo laba beer leh.
beerlaxawsad ld beerlaxawsasho.
beerlaxawsasho eeg beerlaxawso. ld beerlaxawsad, beerlaxawsi.
beerlaxawsi ld beerlaxawsasho.
beerlaxawso Qof wax laga rabo, ereyo debacsan oo shacuurtiisa lagu soo jiidanayo u jeedin.
beermid eeg beeran¹.
beernaan eeg beeran². ld beernaansho.
beernaansho ld beernaan.
beernugeyl 1. Raxmad iyo debacsanaan loo yeesho nafley dhibaateysan. 2. ld beernuglaan.
beernuglaan eeg beernugul. ld beernugeyl (2).
beernuglanaansho eeg beernuglow. ld beernuglaan.
beernuglow Qof raxmad badan noqosho.
<< < 129 130 131 132 133 134 135 136 137 138 139 > >>

 

Exit mobile version