dabaggelid eeg dabaggal². ld dabaggal¹ (2).
dabaggelin eeg dabaggeli.
dabaggelis Suun ama xarig xoolaha la rarto dabada loo suro si uusan rarku hore ugu dhicin.
dabaggelisayn eeg dabaggelisee.
dabaggelisee Neef xoolo ah oo la rarayo dabaggelis u yeelid.
dabaggeyn eeg dabaggee.
dabaggibin Lafdhbarta dadka meesha u dambeysa ee ay ku dhammaato.
dabaggorayee Heeryo dabaggoryo u samayn.
dabaggorayeyn eeg dabaggorayee.
dabaggorayo Meel ku aaddan maraqsaarka awr dhaan ah, heeryadu ka furantahay wax la geshado.
dabaggur1 Faraxumayn naag hurudda lagu sameeyo. ld dabaggurid. dabaggur2 1. Qof dumar ah oo hurdaysa si tartiib ah marada uga qaadid si looga macsiyaysto. 2. Cad yar oo maro ah oo surwaal iwm gadaal looga kabo meel faddhacday. dabaggurid eeg dabaggur². ld dabaggur¹.
dabajoog1 1. Dabasocod; dabaggal. 2. ld dabajoogid. dabajoog2 Qof, xoolo iwm gadaashooda socosho. dabajoogid eeg dabajoog². ld dabajoog¹ (2).
dabakafur Nooc banaatiikhdii hore ka mid ah. ld dabafur¹ (1).
dabakafuul Wiil caawiya darawalka oo qaabilsan ilaalinta, nadiifinta iwm ee baabuurka.
dabakakiil1 Haad uu nin kiishay oo labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay ay isu celiyaan (ciyaar turub). dabakakiil2 Nin haad uu kiishay, labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay isla haadkii isu soo celin. dabakakiilad ld dabakakiilasho.
dabakakiilasho eeg dabakakiilo. ld dabakakiilad.
dabakakiilid eeg dabakakiil².
dabakakiilo Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
dabakannaax Qof busaarad iyo saboolnimo ku koray, oo waa dambe hodmay. ld dibkannaax.
dabakannaaxid Hanti helidda qof saboolnimo ku koray. ld dibkannaaxid.
dabakar1 1. Geedgaab leh laamo dhuudhuuban, tootoosan oo la laga dhigto. 2. Cad maro ah. dabakar2 Maro, cad maro kale ah ku tolid. dabakarid eeg dabakar².
dabakarruub Cudur halis ah dhaqso u faafa, lo'da ku dhaca oo leh shuban badan oo dhiig la socdo iyo ilmayn; shiifow; beergooye; beerfur.
page : 15 of 218
<< < 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 > >>