Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
taag-dhuleed  (juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
taagan  1. Wax la togay ahaansho. 2. Wax ama qof aan socon ahansho.
taagdaran  Qof tabar yar ahaansho.
taagdarnaan  eeg taagdaran. ld taagdarnaansho, taagdarni, taagdarno.
taagdarnaansho  ld taagdarnaan.
taagdarni  ld taagdarnaan.
taagdarno  ld taagdarnaan.
taagdarree  Tabar yarayn (cid).
taagdarreyn  eeg taagdarree.
taageer  Qof wax tarid ama kaalmayn. ld teegaar.
taageere  Qof wax ayida ama taageera; ayidsane. ld teegaare.
taageerid  eeg taageer. ld taageero, teegaarid, teegaaro.
taageero  ld taageerid.
taagid  eeg taag².
taagnaan  eeg taagan. ld taag-naansho.
taagnaansho  ld taagnaan.
taago  Dhul yara sarreeya. ld taag (2).
taagsad  ld taagsasho.
taagsasho  eeg taagso. ld taagsad, taagsi.
taagsi  ld taagsasho.
taagso  1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.
taah1  Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa. taah2  Taah samayn. taahid  eeg taah².
taaj  Qalab qaab koofiyadeed leh oo dahab, lacag iwm ka samaysan oo boqorrada madaxa loo suro.
taaj-belel  (c.fal.) If ku wareegsan qorraxda oo laga arki karo girgirka madow ee dayaxa marka uu dhaco dayax madoobaad buuxa.
taaji  Qof ama wax meel istaajin.
taajin  eeg taaji. ld taajis.
taajir1  T. ah: qof maal ama hanti badan leh. taajir2  Maal badan yeelasho.
page : 1403 of 1584
<< < 1398 1399 1400 1401 1402 1403 1404 1405 1406 1407 1408 > >>

 

Exit mobile version