taran2 1. Miro dalag la kariyey badasho. 2. Nafley is dhashay tiradeeda badasho. taran badan (kiim.) Iskudhis ka kooban molikuyuullo aad u waaweyn oo ka samaysmay xubno molikuyuuleed oo soo noqnoqday (tarmiyeyaal). Taran badanya-du sida caadiga ah ma laha cuf molikuyuul go'an.
taran talantaalli ah 1. (baay.) Meerta nooleed noole, taas oo taranku uu dhaco si talantaalli ah fac walba isaga oo marna u dhaca taran jinsi ah, marka kalena taran jinsilaawe ah. Tus. “Soolantaraata”. 2. (baay.) Ka dhicidda ay ka dhacayaan meerta nololeedka noole dhexdiisa laba ama in ka badan oo qaabab gooni ah, kuwaas oo ku kala duwan muuqaalka, sabada iyo habka taranka.
taran-foolwaa (xis.) Taranka laba leeb oo marka la isku dhufto ku siiya foolwaa. Taranka foolwaa ee leebabka A iyo B waxa lagu qeexaa A.B=AB cos theta. Taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na ay tahay xagasha u dhexeysa labada leeb.
taran-jinsi (baay.) Qaab taran ah oo ku yimaaddo isku beddelka laba unug taran ee dariiqadda bacriminta. Caadi ahaan, gaar ahaan xayawaanku, waxay u baahanyihiin laba waalid, mid lab iyo mid dheddig.
taran-leeb (xis.) Taranka laba leeb oo ku siiya leeb saddexaad. Taranka labada leeb A iyo B waxa loo qoraa AxB, waa leeb laxaaddiisu yahay A B sin theta, taas oo A iyo B ay yihiin laxaadyada A iyo B, theta-na tahay xagasha u dhexeysa A iyo B. Jihada taranka leebka waxa uu ku yahay xaglo qumman leebabka A iyo B.
taran-tallaal (baay.) Qaab taran jinsila'oo ka dhaca dhirta, halkaas oo ay ka samaysmaan dhismayaal gaar ah oo unugyo badanley ah, kuwaas oo harka dambena ka go'a waalidkood. Tus. “Tuyuubar iyo balbka”.
tarandac 1. Wax culus ama dhergey oo hadba doc u liicaya, u janjeersanaya. 2. T. ah: qof hanti badan leh oo ku nool nolol raaxo leh.
tarandhaaf1 ld tarandhaafid. tarandhaaf2 Wax aad u badasho. tarandhaafid eeg tarandhaaf². ld tarandhaaf¹.
taransad ld taransasho.
taransasho eeg taranso. ld taransad.
taranso Wax faa'iideysasho ama badsasho.
tarantarree 1. (f.g) Laba meelood oo isu dhow isaga socosho. 2. (f.mg) Xoolo xawaaro samayn.
tarantarreyn eeg tarantarree.
taranti ld tarmid.
tarantirid (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
tarash1 ld taarash¹ (2). tarash2 ld taarash². tarashid ld taarashid.
tarbiico Iin dadku lugaha ku yeeshaan oo jilbuhu dib u riixmaan.
tarbiicsasho eeg tarbiicso.
tarbiicso 1. Si tarbiico leh isu taagid. 2. Derbi in yar isku tiirin.
tarbiyad ld tarbiyo.
tarbiyee Cid asluub wanaagsan ku barbaarin.
tarbiyeyn eeg tarbiyee.
tarbiyo Asluub fiican. ld tarbiyad.
tarbuush Koofiyad dhuuban oo dhalada ama dhinac bul dheer ka raaraco oo askartii talyaanigu qaadan jireen; waxaa waagii hore raggu ka qaadan jiray dalka Turkiga. ld darbuush.
tardhaaf T. ah: xad-dhaaf.
page : 1423 of 1584
<< < 1418 1419 1420 1421 1422 1423 1424 1425 1426 1427 1428 > >>