Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: giraan
bil (1) 1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
bil (2) (bilay, bishay) 1. Wax kor u qaadid iyadoo madaxa laga sara mariyo. 2. Wax, wax qurxoon ka dhigid.
bila-yaro Uuryaro.
bilaaban 1. Wax la bilaabay noqosho. 2. Waqti xaddidan qaybtiisa hore gelid. ld billaaban.
bilaabasho eeg bilaabo. ld billaabasho.
bilaabid eeg bilow². ld billaabid.
bilaabmid eeg bilaaaban. ld billaabmid.
bilaabo Bilaw yeelasho; abuurmid; curasho. ld billaabo.
bilaale Koob yar oo sida badan dhoob ka samaysan oo lagu cabbo bunka.
bilaash 1. Wax aan waxtar la ahayn. 2. Wax shuruud la'aan ama lacag la'aan lagu helo.
bilaashxeyte Qof isu muujiya inuu awood u leeyahay wax uusan karti u lahayn.
bilad ld bilasho.
biladdaye 1. Cad dhalo ah oo dhan midab dheeh lacageed ah iyo rinji ka marsan yahay oo la iska arko ama muuqaalka soo celisa; muraayad; mandarad. 2. Qalab qaab dhuun leh oo muuqaallada fog soo dhoweya.
bilan Wax la bilay ahaansho.
bilasho eeg bilo. ld bilad.
bilbil (1) 1. Firdhinta biyo iwm sida dhibcaha roobka meel loogu firdhiyo. 2. Nin gabdhaha taataabta. 3. ld bilbilid.
bilbil (2) 1. Biyo iwm meel sida dhibcaha roobka ugu furdhin. 2. Gabar taabasho.
bilbilan Wax la bilbilay ahaansho.
bilbilasho ù eeg bilbilo.
bilbilid eeg bilbil². ld bilbil¹ (3).
bilbilnaan eeg bilbilan. ld bilbilnaansho.
bilbilnaansho ld bilbilnaan.
bilbilo (1) 1. Koor yar bir ka sameysan oo lo'da loo xiro; dawan. 2. Muuqaal qurux badan.
bilbilo (2) Meel biyo ku rusheysasho.
bilcaan ld bilcan¹.
bilcamid eeg bilcan².
bilcan (1) Haweeney la guursaday. ld bilcaan.
bilcan (2) Bilcan ka dhigid; guursasho.
bilcil (bilcil/-llo, m.dh) Geedaha waaweyn oo daawada leh nooc ka mid ah oo leh laamo kala baxsan, qodxo yaryar oo qaroofan, caleemo yaryar iyo mayrax rarada laga sameysto.
bilcooshaan Nooc ka mid ah maryaha xariirta ah.
<< < 141 142 143 144 145 146 147 148 149 150 151 > >>

 

Exit mobile version