Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: herso
dhimris  ld dhimrin.
dhin  Wax intay ahaayeen in yar ka goyn.
dhinac  1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
dhinacayn  eeg dhinacee.
dhinacdhaw  Hal ilmo aanay dhalin, kuna sidkanayn lagu maalo.
dhinacee  Dhinac marid ama xigid.
dhinacfariisasho  eeg dhinacfariiso.
dhinacfariiso  Qofka agtiisa fariisasho.
dhinacjoog  Qofka agtiisa joogid.
dhinacjoogid  eeg dhinacjoog.
dhinacsoco  Qof agtiisa socosho.
dhinacsocosho  eeg dhinacsoco.
dhinacyayn  eeg dhinacyee.
dhinacyee  1. Wax socda hal dhan ka marid. 2. Ra'yigiisa bedbeddelid (qof).
Dhinacyo  Labo dhinac iyo wixii ka badan.
dhinbiil  Midho jilicsan oo ka tirsan dirka leguminoosa, oo leh kaarbal u kala baxa laba qaybood. Tus. “Salbuko”.
dhinmid  eeg dhiman².
dhinnaan  ld dhimmanaan.
dhinnaansho  ld dhimmanaan.
dhinnax  ld dhannax.
dhinniin  ld dhimid.
dhinnix  ld dhannax.
dhinnow  ld dhimmanow.
dhiqid  ld dhaqid.
dhiqle  Cayayaan yar baalal lahayn, dhiigkunool ah oo furaashyada, kuraasta iwm gala; kutaan. ld dhilqe.
dhir  1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.
dhir-abaareed  (bot.) Geed qabatimay ku noolaanshaha gobol biyoyarood ah, sida, meelaha abaaruhu ka dhacaan, qaabkiisa waxa loo qeexi karaa siyaalo kala duwan si uu u helo biyaha ugu badan una kaydsado: xididdadu way dheeryihiin ama waaweynyihiin, calemuhu way yaryaryihiin oo qaro weynyihiin ama xitaa ma leh, sida geedka tiinka, oo marmarka qaarkood qodxo; jirridu marmarka qaarkood waxay leedahay cad oo geedka u suurta galiya inuu biyaha kaydsado muddo aad u dheer, jilif qaro leh ama xabag dahaadha ayaa ka celisa geedka biyosaarka.
dhirayn  eeg dhiree.
dhiraysan  1. Meel dhir lagu tallaaley ahaansho. 2. Wax dhir lagu daray ahaansho (cunto, cabitaan iwm).
dhiraysnaan  eeg dhiraysan. ld dhiraysnaansho.
page : 146 of 218
<< < 141 142 143 144 145 146 147 148 149 150 151 > >>

 

Exit mobile version