dhir
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

1. Wadajirka geedaha, kuwa yaryar iyo kuwa waaweyn. 2. Geedaha dhadhanka iyo udugga gaarka ah leh oo dadku cunnada, cabitaanka iwm ku darsado; dhir-magaalo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhir

aadimo [m.l]
1. (fiis.) Cabbir xariiqeedka laga qaaday walax adke ah sida dhererka (l), ballaca (b) ama joogga (h). 2. (fiis.) “Addimaha Xaddiyada Fisikaad” waa habka xaddiyada fisikaad looga soo dhirindhiriyo xaddi saleedyada oo la saaro jibbaaro habboon.

ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.

xaab [m.l.w]
1. Caleemaha dhirta oo inta engega geedka hoostiisa ku soo daata. 2. Uurkujir (oogada nafleyda). 3. Wax walba intooda xun.

baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.

yabaal [m.l]
1. Dhirta magoolkeeda. 2. ld yabaalid. yabaalid

daaco [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Neef dhawaaq leh, caloosha ka timaadda oo afka ka soo baxda. 2. Dhul godan oo aan dhir lahayn.

haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban

idan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. dabqaad, idin

laacayaal [m.dh]
(bot.) Mid ka mid ah qaybaha ubaxa taas oo samaysa korollaha. Laacayaasha dhirta cayayaanku faxliyey had iyo jeer aad ayey u ifaan, badanaana way udgoonyihiin.

nabaad [m.l]
Wax dhulka ka soo baxa sida dhirta iyo cawska.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg