Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dulmadow
wasan Wax la wasay ahaansho.
washaaqo Dhul biyabaxo ah oo ceelal gaaggaaban laga qoto. ld warshaaqo.
washensi Badow; qashiin.
washir (1) ld washirid.
washir (2) Doonni, markab ama gaadiid kaloo badeed samayn ama dhisid.
washiran Wax la washiray ahaansho.
washirid eeg washir². ld washir¹.
washirnaan washiran. ld washir-naansho.
washirnaansho ld washirnaan.
wasid eeg was.
wasiilo Wax wax kale loogu dhowaado ama lagu gaaro.
wasiir (1) Qof wasaarad u madax ah.
wasiir (2) Ubad; dhal; carruur; ilmo.
wasiirnimo Wasiir ahaansho.
waslad In yar oo is-haysata; cad (hilib).
wasladayn eeg wasladee.
wasladee 1. Hilib waslado u jarjarid. 2. Wax qaybo u jarjarid.
wasmo Galmo; isutag.
wasnaan eeg wasan. ld wasnaansho.
wasnaansho ld wasnaan.
wastaad Macallinka daaraha dhisa.
wastaadnimo Wastaad ahaansho.
waswaas (1) Shaki; isla-hadal; laballaabow. ld wiswis¹.
waswaas (2) Qof wax uu samayn lahaa ka shakiyid. Tus. “Cali muufadii uu lahaa buu ka waswaasay”. ld wiswis².
waswaasi Cid waswaas ku abuurid. ld wiswisi.
waswaasid eeg waswaas². ld wiswisid.
waswaasin eeg waswaasi. ld wiswisin.
watabbiir Caano raagay oo aad dhanaan u noqday.
watahsad ld watahsasho.
watahsasho eeg watahso. ld watahsad, watahsi.
<< < 1495 1496 1497 1498 1499 1500 1501 1502 1503 1504 1505 > >>

 

Exit mobile version