safiito 1. Shay ka mid ah qalabka dhismaha oo guryaha dedkooda hoose lagu dhejiyo. 2. Wax kasta oo marka guryaha la dedo hoos looga dhejiyo.
safmar1 S. ah: cudur dad ama xoolo badan mar ku wada dhaca. safmar2 (daaw.) Cudur si kedis ah u dillaaca oo si dhakhso leh ugu fida dadka dhexdiisa isagoo saameynaya qayb badan ee dadka ka mid ah. safnaan eeg safan². ld safnaansho.
safnaansho ld safnaan.
safo 1. (f.g) Wax saf gelin. 2. (f.mg) Qof saf gelid.
safrad Baahida la dareemo marka la hamuumanyahay.
safradaysan Wax safradi hayso ahaansho.
safradaysnaan eeg safradaysan. ld safradaysnaansho.
safradaysnaansho ld safradaysnaan.
safri Badeeco meel fog u iibgeyn.
safrid eeg safar³.
safrin eeg safri.
sagaal Tirada siddeedda iyo tobanka u dhexeysa; “9”.
sagaalaad1 1. Maalinta bisha Arrafo sagaalka tahay oo muslimiintu xajinaysaa banka carrafo taaganyihiin. 2. Roob da'ay maalintiisa sagaalaad ee riibigu kaco. sagaalaad2 Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaalka. sagaalle Xaashi turub oo sagaal dhibcood leh.
sagaara-furdug Nooc sagaarada ka mid ah oo aad u waaweyn; kuna nool dhulka carro madowga ah.
sagaarasalool Geedgaab aan qodax lahayn oo leh laamo dhuudhuuban iyo caleemo yaryar oo ka mid ah dhirta daawada.
sagaaro Nooc ugaarta yaryar ka mid ah, dhawr jaad u kala baxda oo keeda lab geeso leeyahay.
sagaaromuri Nooc sagaarada ka mid ah kana yara waaweyn oo leh midab ciiromadow xigeen ah.
sagaashamaad ld sagaashanaad.
sagaashameeye Tiro qiyaas ahaan sagashan u dhow. ld sagaashameeyo, sagaashaneeye, sagaashaneeyo.
sagaashameeyo ld sagaashameeye.
sagaashan Tiro ka kooban sagaal meelood oo min toban ah; sagaal tobnaad; “90”.
sagaashanaad Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaashanka. ld saga-shamaad.
sagaashaneeye ld sagaashameeye.
sagaashaneeyo ld sagaashameeye.
sagal Daliigo cas-cas oo moodda galbeed u eg oo xilliga roobka aroortii cirka ku dhigma.
sagan Godob, utun, aano, dakano.
page : 16 of 118
<< < 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 > >>