xardhid eeg xarar².
xareed 1. Biyo roob. 2. Biyo macaan oo aan cusbo lahayn. 3. X. ah: midab casaan furan ah.
xareedayn (kiim.) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
xareedeeye Baalalley.
xareedi 1. Dugaag, shimbiro iwm ciyaaro, ci'ama dhaqdhaqaaq kale oo ay ku muujinayaan barwaaqo samayn. 2. Shimbiro ci'iyo dhaqdhaqaaq la aammin-sanyahay in ay ku roobdoonayaan samayn.
xareedin eeg xareedi. ld xareedis.
xareedis ld xareedin.
xarfaan eeg xariif. laacib;
xarfad1 ld xarfasho. xarfad2 Xeelad qof u suurta gelisa in uu danihiisa si fiican u fushado. xarfadayn eeg xarfadee.
xarfadee Xarfad samayn.
xarfasho1 eeg xarfo². ld xarfad¹. xarfasho2 1. Dhaqaaq tartiib ah ee biyaha sare ee badda ama haro oo ay dabayshu dhaqaajiso iyo dhaqaaqyada kale ee la midka ah sida ciidda iwm. 2. (jool.) Tuulimaad kasta oo dhulka dushiisa ah oo la soo qaaday, gaar ahaan ka barafku tuulo amase biyaha ka yimaada barafka. xarfi Hoore kulul ama diirran dabayl ku qaboojin.
xarfin1 eeg xarfi. xarfin2 (fiis.) Dariiqadda ay walaxi kaga beddelanto uumi isuguna bedesho dareere. Dareeruhu, tusaale ahaan, waxa sameeya uumi galey gibilka. xarfo1 1. Caws jilicsan oo dhego yaryar oo meelaha riska ah ka baxa; wuxuu yeesha sabuul miro yaryar leh oo la cuno. 2. (-ooyin, m.l) Kax bannaan; dibir. 3. Kalluunka jaad ka mid ah. xarfo2 Hoore dabayl ku qaboobid. xargag1 1. Wax biyabbiyo ah, sida dhiigga, is-qabsadkooda. 2. Wax caato darteed, la engega, isku soohma. 3. Kawrax; engeg. ld hargag¹, xarkag¹. xargag2 Subag, dhiig iwm wax fadhiya ama adag noqosho. ld hargag², xarkag². xargagid1 eeg xargag². ld hargagid, xarkagid. xargagid2 (fiis.) Xaaladda dareere jiitama oo isu beddelo wax fadhiya. xargagoosasho eeg xargagooso.
xargagooso Wayraxid.
xargagsan Wax xargagay ahaansho. ld hargagsan, xarkagsan.
xargagsanaan eeg xargagsan. ld hargagsanaan, hargagsanaansho, xargag-sanaansho.
xargagsanaansho ld xargagsanaan.
xargaha codka (c.nafl.) Sooha labada isugu laaban oo ka soo kuusan labada dhinac booca oo ka sameeya jeexdin dhuuban hawomareenka dushiisa. Neef soo saaridda way ruxdaa cod la maqlana waa ka sameysa kaas oo ah hadal, hees iyo codad kale oo la naqlo. Isbeddelka ku dhaca xargaha codka iyo cudurrada ku dhaca dareemayaashooda waxay wax yeelleeyaan codka.
xarig 1. Daliigo xaskul ah ama mayrax ama caw ama xariir ama bir ama wax kale oo inta la isku jebsho tidco, wax lagu xiro ama lagu jiido. 2. Xabsi.
page : 1538 of 1584
<< < 1533 1534 1535 1536 1537 1538 1539 1540 1541 1542 1543 > >>