Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: giraan
dhubdhub 1. Meel la maro oo ciriiri ah. 2. Waddo buuro isu dhow dhex marta oo dhib lagu mari karo.
dhubuqdhubuq ld dhibiqdhibiq.
dhucay Dhalo ka yar dhaloyareyda oo qaadda saddex farshiid.
dhud (1) 1. Daliigo miiqan ama soohan, oo inta laysku jebsho, xargaha laga sameeyo, middood. 2. Summan ama xargo qalab ka koobanyahay middood. 3. Maro shan mitir ah. 4. Jirrid dhuuban.
dhud (2) (fiis.) Fallaadho ileys oo u socda si urursan. Waxa ay ka koobnaan kartaa saxaro (sida, dhud elektaroon) ama kaahin birlab danabeed (sida, hud raadar).
dhudhuhlayn ld dhuxdhuxlayn.
dhudhuhlee ld dhuxdhuxlee.
dhudhumi Wax dhudhun ku cabbirid.
dhudhumin eeg dhudhumi. ld dhudhumis.
dhudhumis ld dhudhumin.
dhudhun 1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).
dhudhunkutaagle Qof gacmihiisa aad u xoog badanyihiin.
dhudhunsad ld dhudhunsasho.
dhudhunsan Wax la dhudhumiyey ahaansho.
dhudhunsanaan eeg dhudhunsan. ld dhudhunsanaansho.
dhudhunsanaansho ld dhudhun- sanaan.
dhudhunsasho eeg dhudhunso. ld dhudhunsad.
dhudhunso Wax dhudhun ku cabbirasho.
dhudhus ld dhusundhus.
dhudhuub Biyamareen dhuuban.
dhufaan (1) 1. (-nno, m.dh) Dh. ah: neef xoolo ah la xiniinya baxshay. 2. ld dhufaanid.
dhufaan (2) Neef xoolo ah xiniinya bixin.
dhufaanan (1) Wax la dhufaanay noqosho.
dhufaanan (2) Wax la dhufaanay ahaansho.
dhufaanid eeg dhufaan². ld dhufaan¹ (2).
dhufaanmid eeg dhufaanan¹.
dhufaannaan eeg dhufaanan². ld dhufaannaansho.
dhufaannaansho ld dhufaannaan.
dhufad ld dhifasho.
dhufasho ld dhifasho.
<< < 150 151 152 153 154 155 156 157 158 159 160 > >>

 

Exit mobile version