dhufasho
(m.dh)

ld dhifasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhufasho

qaad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Wax meel yiil meel kale geyn. 2. (f.g) Wax gudo leh in ku filan ku shubid. 3. (f.g) Wax meel yiil kor u hinjin. 4. (f.g) Ciil, ceeb iwm meel kala tegid. 5. (f.g) Hanti dhicid. 6. (f.g) Nafley cudur ku dhicid. 7. (f.g) Hees ku luuqayn. 8. Yibir cid habaarid. 9. (f.g) Hadal, arrin iwm carrab ku dhufasho. 10. (f.g) Jaad cunid. 11. (f.mg) Roob feerid. 12. Dabool ka q., dub ka q.: wax daahsoonaa sheegid.

qaaddac [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-cay, -cday; -dici)
1. Wax diidid. 2. Xiriir goyn. 3. Dhagax lagu huufayo dhagax kale ku dhufasho.

qaadqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Ku q.: cid nabarro si degdeg ah oo aan kala go' lahayn ugu dhufasho.

bacsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Dharbaaxo ku dhufasho (qof).

barijuglee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -leysay)
Barida si xoog leh dhulka ugu dhufasho.

bash [Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone]
1. Biyo b. ka sii: biyo ku firdhin. 2. Dharbaaxo b. ka sii: si kedis ah dharbaaxo qof ugu dhufasho.

bow [m.dh]
1. Jug; b. sii: qof wax ku dhufasho. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo dhufashada.

carrab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Xubin jilicsan oo ku jirta afka nafleyda oo qaabbilsan dhadhanka, calaliska, liqida iyo kala soocidda hadalka. 2. C. ku dhufasho: carrabbaabid. 3. C. macaan: hadal macaan.

carrabkudhufasho [m.dh]
Hadalhaynta. ld carrabkudhufad.

cirbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg