dhudhun
(m.l) (-ummo, m.dh)1. Gacanta inta u dhexeysa xusulka iyo sacabka. 2. Dhudhun iyo sacabka oo fidsan oo is wata (cabbir).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dhudhun ↴
culaacul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Nafley yar oo biyaha balliyada ku dhex nool oo dixiriga la bah ah, oogo jilicsan iyo xubno leh, oo nuugta dhiigga nafleyda kale ee biyaha kula nool iyo dadkaba. 2. Gacanta meesha ay iska galaan calaacasha iyo dhudhunka.
cumaacun [m.dh] (-umo, m.l)
1. Calaacasha iyo dhudhunka meesha ay iska galaan oo jalaqleyda ah. 2. Cagta iyo kubka meesha ay iska galaan; anqaw. 3. Lafaha yaryar ee faraha iyo lugaha middood.
curcur [m.l] (-rro, m.dh)
1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.
dhudhumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dhudhun ku cabbirid.
dhudhunkutaagle [m.l] (-layaa, m.l/dh)
Qof gacmihiisa aad u xoog badanyihiin.
dhudhunsad [m.l]
ld dhudhunsasho.
dhudhunsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax la dhudhumiyey ahaansho.
dhudhunsanaan [m.f.dh]
eeg dhudhunsan. ld dhudhunsanaansho.
dhudhunsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld dhudhun- sanaan.