Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
xirmo  1. Dhawr wax oo isku nooc ah oo isku xiran. 2. Dhul daaqsi-meed muddo go'an laga xayiro daaqidda xoolaha si loogu aayo goor dambe.
xirnaan  eeg xiran². ld xirnaansho.
xirnaansho  ld xirnaan.
xirniin  ld xirid.
xiro  1. Wax xarig iwm ku qabsasho. 2. Cid xabbisasho. 3. Albaab, dariishad iwm qataarasho. 4. Haweeney mehersasho. 5. Dhar lebbisasho. 6. Salaad ama soon gelid. 7. Ku x.: qof kale imaam ka dhigasho. 8. Ku x.: markab, doon iwm marso tegid.
xirrib  1. Isha guruxeeda iyo sanqaroorka meesha u dhexaysa. 2. Tab; dhagar; xeelad; khatal; siyaasad.
xirribaggub  Wax beentooda caddeyn.
xirribaggubid  eeg xirribaggub.
xirsi  1. Warqad quraan ku qoran yahay ama wax kale oo inta idiin lagu dahaaro balaayo xijaab ahaan loo qaato. 2. Cunto, lacag, iwm oo balaayo xijaab ahaan loo bixiyo.
xirsifur  X. ah: waxa loo sadqeeyo qof sixir lagu sameeyey ama jirro darani hayso, si uu uga badbaado halista.
xirsixir1  ld xirsixirid. xirsixir2  Si ay wax u badbaadaan quraan akhriyid. xirsixiran  Wax xirsixir loo akhriyey ahaansho.
xirsixirid  eeg xirsixir². ld xirsixir¹.
xirsixirnaan  eeg xirsixiran. ld xirsixir-naansho.
xirsixirnaansho  ld xirsixirnaan.
xirxiran  1. Cid wax safar u diyaar ah ahaansho. 2. Qof aan furfurnayn ahaansho.
xirxirnaan  eeg xirxiran. ld xirxirnaan-sho.
xirxirnaansho  ld xirxirnaan.
xis  Dareen; miyir.
xisaab1  1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga. xisaab2  (xis.)1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaa-dyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaar-siiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkas-too qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin. xisaab3  1. Wax tirin. 2. Garsoor samayn (Ilaah). xisaabaad  Maamul lacag oo hay'adi leedahay.
xisaaban  Wax la xisaabay ahaansho. ld xisaabsan.
xisaabasho  eeg xisaabo. ld xisaabsasho.
xisaabfal asaasiga ah ee aritmatig  eeg aritmatig.
xisaabi  ld xisaab².
xisaabid  eeg xisaab². ld xisaabin.
xisaabin  ld xisaabid.
page : 1558 of 1584
<< < 1553 1554 1555 1556 1557 1558 1559 1560 1561 1562 1563 > >>

 

Exit mobile version