Xisaab
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.
Xisaab
Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga:(xis.)1. Waxa jira siyaabo badan oo loo qeexi karo xisaabta, hase yeeshee, qeexidyadaasi ma aha kuwa loo qaadan karo qeexidda ereyga. 2. Barashada sida ratibaa-dyo iyo xiriiro loo bandhigo la isuna gaar-siiyo. 3. Barashada tirooyinka, shaxannda iyo qaybo kale oo lojik ahaan. 4. Barashada tirooyinka, shaxannada iyo qaybo kale oo lojik ahaan loo adeegsado. Waxaa loo qaybiyaa xisaab saafid iyo dabaqaad. Inkas-too qaybintu aan ahayn mid go'an misna labada qaybood waa ay isku xiranyihiin.
Xisaab
Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-bay, -btay)1. Wax tirin. 2. Garsoor samayn (Ilaah).
Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga xisaab ↴
eber | maaddi | kaalori | saafid-tireed | saami | tabane | wadajir | xaddi-foolwaa | aljebra | aritmatig |Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg