Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabakannaaxid
bootimaale Tartan lagu tartamo bootin.
bootimaaleysad ld bootimaaleysasho.
bootimaaleysasho eeg bootimaalayso. ld bootimaaleysad, bootimaaleysi.
bootimaaleysi ld bootimaaleysasho.
bootimaaleyso Tartan bootin ah ka qeybqaadasho.
bootin eeg booti. ld booddo¹ (1), boodsiin, boodsiis, bootis.
bootis ld bootin (1).
booto Faan iyo hanjabaad been ah oo cid lagu cabsi gelinayo.
bootoole Qof faan iyo hanjabaad badan. ld bootaale.
boowe ld abboowe.
booy (1) Ceel biyo badan leh.
booy (2) ld ooy.
booyaamid eeg booyaan². ld booyaan¹ (2).
booyaan (1) 1. Hadal badan oo aan duluc lahayn. 2. ld booyaamid.
booyaan (2) Hadal badan oo aan duluc lahayn ku hadlid.
booyad 1. Baabuur fuusto weyn xambaarsan oo biyaha, baasiinka, naaftada iwm lagu qaado. 2. Haan weynoo laba lugood oo kuwa baabuurta ah leh oo biyaha lagu kaydsado.
booyid ld ooyid.
boqnagoo 1. Qof luggoyn. 2. Nafley si loo curyaamiyo feyla jarid. ld boqnajar, boqongoo.
boqnagooyo 1. Luggooyo. 2. Jaridda feylaha la jaro si loo curyaamiyo. ld boqnagoyn.
boqnagoyn eeg boqnagoo. ld boqnagooyo, boqnajarid, boqongooyo, boqongoyn.
boqnajar ld boqnagoo.
boqnajarid ld boqnagoyn.
boqol Tiro ka kooban toban meelood oo min toban ah; “100”.
boqolaad Tirada jagaalaha ah, tan u dhiganta boqolka.
boqollaal Tiro ka kooban dhawr boqol.
boqolle 1. Qof lab ah. 2. Nin aad u fiican. ld boqollow.
boqollow ld boqolle.
boqon (1) Xarig laga sameeyo seedda boqonta oo lagu xiro qaansada.
boqon (2) Seedda, ciribta iyo muruqa kubka isu haysa.
boqon (3) (c.nafl.) Xarriiq toosan oo isku xirta laba barood oo ku dul yaalla xood. Tusaale ahaan, xarriijinta isku xirta laba barood oo ku yaalla meeriska goobada waa b..
<< < 159 160 161 162 163 164 165 166 167 168 169 > >>

 

Exit mobile version