nashnaash (1) 1. Sii qurxinta wax hore u jiray sida dhismo, farsamo iwm. 2. Inta lagu kordhiyo hadal hore murtidiisa loo yiri. ld naashnaash¹.
nashnaash (2) 1. Dhismo, farsamo iwm qurxin. 2. Hadal murtidiisa hore loo yiri wax ku darid. ld naashnaash².
nashnaashad ld nashnaashasho.
nashnaashan Wax la nashnaashay ahaansho. ld naashnaashan.
nashnaashasho eeg nashnaasho. ld nashnaashad.
nashnaashi (1) Qurux iyo wanaag wax loo yeelay. ld naashnaashi¹.
nashnaashi (2) Qurux iyo wanaag wax u yeelid. ld nashnaash².
nashnaashid eeg nashnaash². ld naashnaashid.
nashnaashin eeg nashnaashi². ld naashnaashin, naashnaashis, nashnaashis.
nashnaashnaan eeg nashnaashan. ld naashnaashnaan, naashnaashnaansho, nashnaashnaansh.
nashnaashnaansho ld nashnaashnaan.
nashnaasho Wax nashnaash u yeelasho.
nashnashley ld nash.
nashuug (1) Tubaakada la calaashado.
nashuug (2) Tubaako calaalin.
nashuugi Nashuug ka dhigid (tubaako).
nashuugid eeg naashuug².
nashuugin eeg nashuugi.
nasi Cid hawl muddo gaaban ka fadhiisin si daalku uga ba'o.
nasiib Hoodo; cawo; ayaan.
nasiibdarro 1. Nasiib wacan la'aan. 2. Dhibaato; mushkilad. ld nasiibxumo.
nasiibwanaag Hoodo iyo ayaan wanaagsan.
nasiibxumo ld nasiibdarro.
nasiino Xaalad hawl iyo dhibaato la'aaneed. ld nasiin.
nasin (1) eeg nasi.
nasin (2) (c.nafl.) Meel dhalada ka mid ah oo aan lafoobin, lagana dareemi karo garaaca halbowlayaasha maskaxda. Waxaana lagu yaqaan dhallaanka ilaa gu'jirka ah, kaddibna way lafowdaa way xirantaa. ld nash.
nasisasho eeg nasiso².
nasiso (1) ld nash.
nasiso (2) Nafley nasiino siisasho.
nasnaan eeg nasan. ld nasnaansho.
<< < 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 > >>