Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dulmadow
diyaarsan Wax la diyaariyey ama is diyaarshey ahaansho.
diyaarsanaan eeg diyaarsan. ld diyaarsanaansho.
diyaarsanaansho ld diyaarsanaan.
diyaarsasho ld diyaarso.
diyaarso Wax diyaar ka dhigasho (qof).
diyeenjeefaloon (c.nafl.) Qayb ka mid ah maskaxda oo ka kooban: epithalamus, dorsal thalamus, iyo fentral thalamus.
diyo Hanti ku waajibtay qof cid dilay oo la siiyo ehelada qofka laga dilay.
diyuuteeriyam Sumaddeedu waa D. Iskugod haydarojiin oo deggan si dabiici ahna u jira, bu'diisuna ka koobantahay hal borotoon iyo hal niyuutaroon. Markaas cuf-atamkiisu waa ugu dhawaan labanlaabka kan haydarojiinta.
doc Barbar; dhinac.
docfaruur (1) Ballanfur lagu sameeyo arrin la isku ogaa. ld gantafaruur¹.
docfaruur (2) Arrin la isku ogaa ballanfuryo ku sameyn. ld gantafaruur².
docfaruurid eeg docfaruur². ld gantafaruurid.
dockayeer Qof hadal socda, hadal aan xikmad lahayn ku darsada.
doco 1. Saxaro adkaatay xoog isaga keenid; jiirasho. 2. Jiirasho (nafley dhaleysa). ld duco².
docogeysi Tuugidda.
docol Jaad geedaha ka mid ah oo mareerka u eg oo miro la cuno leh.
docosho eeg doco. ld ducasho.
dogob Jirrid weyn oo qallalan. ld degeb.
dogox D. ah: qof weyd ah.
doh Dhul godan, carro jilicsan oo biya-qabatin leh.
dohasho ld dihasho.
doho ld diho.
dokhosh Dhismo gaboobay oo jajabay oo ka samaysan qoryo iyo caws duug ah.
doktoor 1. Takhtar. 2. Qof shahaado jaamacad laga bixiyo tan ugu sarraysa haysta. ld dotoor.
doktoornimo Daktoor ahaansho. ld dotoornimo.
dokumenti 1. Warqad war muhiim ihi ku yaallo sida shahaado, warqad aqoonsi iwm. 2. Raad taariikheed muhiim ah.
dolmayt (jool.) Macdan ku dhow ili-ka-gudubtay oo ka kooban kaarboonayt laba luxdan oo ah kaalshiyam iyo magniisiyam; amase waa dhadhaab sida qaalibka ah loo yaqaan magniisiyam-dhagax nuuradeed oo macdantu tahay qaybta ugu mudan.
doob (1) Nin aan weli guursan.
doob (2) Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. ld doobbo.
doobbadillaacsad ld doobbadillaacsasho.
<< < 182 183 184 185 186 187 188 189 190 191 192 > >>

 

Exit mobile version