Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
doograac1  1. Doogdhaw. 2. ld doograacid. doograac2  Meel doog leh u guurid. doograacid  eeg doograac². ld doograac¹, doograacis.
doograacis  ld doograacid.
doogsad  ld doogsasho.
doogsasho  eeg doogso. ld doogsad, doogsimaad, doogsimo, doogsin.
doogsimaad  ld doogsasho.
doogsimo  ld doogsasho.
doogsin  ld doogsasho.
doogso  1. Roob iyo barwaaqo helid. 2. Xoolo biyo la doonid. 3. Ka d.: nabar, dhibaato iwm ka bogsasho.
dooh  Erey geela soconaya loogu dhawaaqo kolkii la doonayo inuu istaago oo joogsado.
dooh-bibanji  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinacna shan. ld banji-bidooh, biish-bidooh, dooh-bibbiish.
dooh-bibiish  ld dooh-bibanji.
dooh-bicaddaan  ld caddaan-bidooh.
dooh-bijoohaar  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro, dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bidooh.
dooh-bisaliim  Dhagax dubnadeed oo wejiga ciyaarta loogu talagalay dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena saddex. ld saliim-bidooh.
dooh-bishiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac laba dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bidooh.
dooh-biyeeg  ld yeeg-bidooh.
doohad  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talagalay labadiisa dhinac min labo dhibcood ku leh.
dooji  1. Xoolo si dhaqso ah u geyn meel roob ku da'ay. 2. Meel roob ku di'id. 3. Wadaan iwm biyodarid. 4. Wadaan maqaar ah qoyn si wax loogu waraabin karo.
doojin  eeg dooji. ld doojis.
doojis  ld doojin.
dool1  Qof dilaa ah, tuug khatar ah, bahal halis ah iwm oo meel aan laga aqoon yimid. dool2  1. Labada qaybood ee barida dadka ama idaha middood. 2. Doon yar oo webiyada looga tallaabo. dool3  Qof, bahal iwm meel aan laga aqoon aadid. doolaal  1. D. ah: qof ka tegey meeshiisii oo ku sugan meel kale oo ka fog oo uusan camal ku hayn loogana baahanayn. 2. D. ah: dugaag meelo kala fog ka ugaarsada.
doolaalo  1. Doonashada uu neef qoor ah oo qooqan uu doonto wax uu abaahiyo ama saarto. 2. Aadidda la aado meel kale oo aan la iskaga baahnayn.
doollar  Lacagta rasmiga ah ee waddanka Mareykanka.
doolli  Jiir.
doollo  Dhul sare oo siman.
page : 190 of 218
<< < 185 186 187 188 189 190 191 192 193 194 195 > >>

 

Exit mobile version