Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jaabajaabeysad
afarfaallow Qof aan faalka aad u aqoon.
afarfoolle Ilmo yar oo ay u soo baxeen afartii ilig oo ugu horreysay, oo ah afarta fool.
afargees Shaxan joometeri ah oo afar dhinac oo isle'eg leh.
afariyotobnaad Habeenka dayaxu ugu iftiinka badanyahay oo bishu afar iyo tobanka tahay.
afarqaad (1) 1. Orod xawli ah oo addimada hore iyo kuwa dambe kuwaba mar la qaadayo. 2. Wax muggiisu qaado afar shay.
afarqaad (2) Afar addinle orod dheer oo si talantaalli ah labada addin oo hore iyo labada dambe la qaadayo samayn.
afarqaadid eeg afarqaad². ld afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
afarqaadis ld afarqaadid.
afarqaadlays ld afarqaadid.
afarqaadle ld afarqaad¹.
afarqaadleyn ld afarqaadid.
afarran (1) Nalfey wax dhashay iyo saddexdeeda ilmood oo wadajira.
afarran (2) Wax tiradoodu afar gaartay ahaansho; afar ahaansho.
afarranaan eeg afarran². ld afarranaansho.
afarranaansho ld afarranaan.
afarrey 1. Tix maanso ah oo dhowr beyd ka kooban. 2. Afar hog oo labada iska soo horjeedda ay yaallaan dhagxaan isku nooc ah, hog shanaad oo maran ama saalo taalna u dhexeeya (shax).
afarsuulle Muruq afar madax leh oo ku yaal bowdada dhinaceeda sare.
afartamaad ld afartanaad.
afartambax (1) ld afartanbixid.
afartambax (2) ld afartanbax².
afartambixi ld afartanbixi.
afartambixid ld afartanbixid.
afartambixin ld afartanbixin.
afartameeye ld afartaneeye.
afartameeyo ld afartaneeye.
afartan Tiro ka kooban afar meelood oo min toban ah; “40”.
afartanaad 1. (t.j) Tirada heerka afartanka ku abbaaran. 2. Xilli roob oo toban beri ah oo ka billawda afartamaadka dabshidka. ld afartamaad.
afartanbax (1) ld afartanbixid.
afartanbax (2) Naag dhashay oo 40 maalmood u dhammaasho. ld afartambax².
afartanbixi Naag dhashay ummulnimo ka bixin. ld afartambixi.
<< < 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 > >>

 

Exit mobile version