duqow2 eeg duq 1 (1). duqow3 Duq noqosho. duqsi Cayayaan, duula, laba baal iyo lix addin leh, meelaha wasakhada ka dhasha oo ka qayb qaata faafinta cudurrada. ld daqsi, diqsi, tixsi.
duqus Nooc badarka ka mid ah, miro yaryar oo madow leh, waambaha u eg oo canjeerada laga sameysto. ld dukhun.
duqush 1. ld doqosh. 2. Luuq.
dur 1. Wax caarad dhuuban cid ku mudid. 2. Cid dawo cirbad ku siin. 3. Marag, dood, iwm. iin u yeelid.
dur1 1. Shilin, kumi iwm dhinaca aan sawirka lahayn. 2. Ciyaarta delebka, qoriga lagu ciyaaro dhiniciisa durka leh. duraab1 Biyo maax ah oo ceel ku jira. duraab2 Ceel maaxasho. duraabid eeg duraab².
duray (daaw.) Cudur fiirus keeno oo dunida oo dhan ku faafsan kaas oo keena halamacoodka sanka, cunaha iyo dhuumaha neefta. Cudurka waxa la isku qaadsiiya qufaco iyo hindhisada.
durba D./d.diiba: si degdeg ah, la raagis la'aan, ciyow.
durbaan (muus.) Qori xordan oo labadiisa af harag khafiif ahi ku dahaaranyahay oo ciyaaraha loo tumo, cod weynna bixiya. ld gurbaan.
durbaansan Wax qaab durbaan leh ahaansho.
durbaansanaan egg durbansan. ld durbaansanaansho.
durbaansanaansho eeg durbaansan. ld durbansanaan.
durbadiiba eeg durba.
durdur1 1. Tog yar oo leh biyo joogto ahaan u qulqula oo aan go'in. 2. D. ah: Biyo si joogto ah u qulqulaya oo aan go'ayn. durdur2 Biyo si joogto ah oo aan kala go'lahayn u socosho. durdur-kulul (jool.) Il dabiici ah oo biyaheedu kululyihiin, taas oo biyo kulul iyo qiiq kor u soo tuurta, amminta u dhexaysa kor u soo tuuridda way isla ekaan kartaa ama way kala duwanaan kartaa.
durduri Biyo si joogto ah oo aan kala go'lahayn u socosho.
durduri1 Si culus u ordid (geel); baabbacayn. durdurid eeg durdur².
durdurin eeg durduri. ld durduris.
durduris ld durdurin.
durduro Orod xawli ah oo geela iwm ordaan.
durduur1 1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay. durduur2 Xoolo hore u cabbay biyo ay ku noq-noqdaan siin. durduurasho eeg durduuro.
durduurid eeg durduur².
page : 209 of 218
<< < 204 205 206 207 208 209 210 211 212 213 214 > >>