duufso Cid fal xun in ay samayso u hor kicid.
duufso1 ld diifso. duug1 Wax muddo badan lagu dhaq- mayey. duug2 (taar.) (qadiim) Waxay tilmaamaysa waayadii hore, xilliyadii Masaaridii hore, Giriiga, iyo Roomaanka. duug3 1. Xoolaha la qalo marka qof dhinto; axan; qoriqaad. 2. ld duugid. duug4 1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid. duugan1 Wax la xabaalay noqosho. duugan2 Wax la xabaalay ahaansho. duugid eeg duug³. ld duug² (2), duugis.
duugis ld duugid.
duugkufaar Hanti weyn oo ka kooban badanaa dahab iwm oo ummado hore looga haray.
duugmid eeg duugan¹.
duugmo 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
duugnaan eeg duugan². ld duug-naansho.
duugnaansho ld duugnaan.
duugoobid eeg duugow². ld duugow¹.
duugow1 ld dugoobid. duugow2 Duug noqosho (wax). duuh I tus.
duul1 (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin. duul2 1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni. duul3 1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid. duul4 Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid. duulaa Halaq halis ah, boodda dheer oo madow.
duulal ld duul¹ (2).
duulduul1 1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. ld duulduulid. duulduul2 Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid. duulduulid eeg duulduul². ld duulduul¹ (2).
duule Qof dhibaato badan, dhallin yar.
duule1 Col; qof duulaya.
page : 216 of 218
<< < 211 212 213 214 215 216 217 218 >