ceyntaaris ld ceyntaarin.
ceyri Nafley orodsiin, si meel ay ku sugnayd uga fogaato; eryid; burin.
ceyrin eeg cayri. ld cayris.
ceyris ld cayrin.
ceyro Orodsiinta nafley meel ay ku sugnayd laga orodsiiyo si looga fogeeyo. ld ceyrin.
ceyrsad ld cayrsasho.
ceyrsasho eeg cayrso. ld ceyrsad, ceyrsi.
ceyrsi ld cayrsasho.
ceyrso Wax ordaya tiigsasho.
ci (1) Cod dheer oo ay nafleyda qaar sida shimbiraha, bahallada iwm sameeyaan.
ci (2) 1. (f.g/mg) Soo c./u soo c./u c.: xoolo, shimbir iwm cod dheer ku dhawaaaqid. 2. Cid u yeerid.
cibaadeysad ld cibaadeysasho.
cibaadeysasho eeg cibaadeyso. ld cibaadeysad, cibaadeysi.
cibaadeysi ld cibaadeysasho.
cibaadeyso Qof, cibaado samaysasho.
cibaado Camal wanaagsan oo loo sameeyo in Ilaah loogu dhawaado.
cibaaro 1. Belo aan hore loo arkin. 2. Arrin yaab leh oo aan hore loo arkin. ld cibro.
cibro ld cibaaro.
cicin Nooc cawska biyaha dhexdooda ka baxa ka mid ah oo leh laamo dhaadheer oo jiljilicsan oo daashashka lagu dedo. ld dicin.
cid (1) 1. Koox dad ah oo meel ku wada nool. 2. Qof ama wax ka badan. Tus. “Maanta c. ma arag”. 3. Qaraabo; reer.
cid (2) 1. Cid biyo ku hafin. 2. Sanduuq, weel iwm oo buuxa, wax dheeraad ah ku ciriirin si uu u qaado.
cidaad Meyrax jilcan, si gaar ah loo farsameeyey oo weelasha la culay lagu nadiifiyo.
cidan (1) Dhulka geed gaabka qodaxda lihi ku badanyahay.
cidan (2) Wax la ciday noqosho.
cidan (3) Wax la ciday ahaansho.
ciddabbax (1) C. ah: haweenay la furay oo cuddadii dhammaysatay. ld cuddabbax¹.
ciddabbax (2) Haweeney la furay ama laga dhintay ciddo dhameysasho. ld cuddabax².
ciddabbixid eeg ciddabbax². ld cuddabbixid.
ciddi 1. Cad gees la mood oo xalleefsan oo ka baxda faraha fooddooda sare. 2. Qolof libaax badeedka laga jaro oo loo shito uunsi ahaan. ld ciji, cijo, cinji.
ciddidiif Fulfullac yaryar oo uu yeesho hilibka ku wareegsan ciddiyaha. ld caddidiif.
<< < 241 242 243 244 245 246 247 248 249 250 251 > >>