Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qawadid
hambaas1  ld hambaasid. hambaas2  Ku h.: hawl waqti isku dhaafin. hambaasi  Cid maaweelin.
hambaasid  eeg hambaas². ld hambaas¹.
hambaasin  eeg hambaasi.
hambabar  Hurdo si degdeg ah uga soo boodid naxdin darteed; baraarugid.
hambabarid  eeg hambabar.
hambad  ld hambasho.
hambalaal  Kalluunku meesha uu ka neefsado oo dhegaha ka hooseysa.
hambalaalaq1  1. Kala daadsanaan. 2. ld humbuluuluq¹. hambalaalaq2  1. Cid kala daadsanaansho. 2. ld humbuluuluq². hambalaalaqid  1. eeg hambalaalaq². 2. ld humbululuuqid.
hambalaalaqsan  Wax kala daadsan ahaansho.
hambalaalaqsanaan  eeg hambalaa-laqsan. ld hambalaalaqsanaansho.
hambalaalaqsanaansho  ld hamba-laalaqsanaan.
hambalyayn  eeg hambalyee.
hambalyee  Cid hambalyo u jeedin.
hambalyo  Hadal xambaarsan shucuur farxad leh oo loo jeediyo cid heshay ama soo hoyisay wax lagu farxo.
hambaraac  Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hamboraac.
hambasho  eeg hambo. ld hambad.
hambayn  eeg hambee.
hambee  Cunto la cunayo qaar reebid.
hambo1  Cunto la cunay inta weelka lagu reebo. hambo2  Xantoobo cunto ah af ku shubasho. hamboorri1  Riixdin; jug; garabgal. hamboorri2  1. Wax hore u tuurid. 2. Wax ku walaahoobid. hamboorriyid  eeg hamboorri².
hamboraac  Qof hunguri xun oo meelaha raqdu taal aan laga waayin. ld hambaraac.
hameen  ld habeen.
hamham  1 Hadal hoos loo yiri oo aan si fiican loo maqlayn. 2. Hadal aan micno lahayn. ld xamxam.
page : 26 of 93
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>

 

Exit mobile version