Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dharabsad
irmaan (3) Wax caano leh noqosho.
irmaanaan eeg irmaan³. ld irmaa-naansho.
irmaanaansho ld irmaanaan.
irmaanayn eeg irmaanee. ld irmanin.
irmaanee Wax irmaan ka dhigid. ld irmaani.
irmaani 1. ld irmaanee. 2. Neef irmaan cid siin.
irmaanin ld irmaanayn.
irmaansad ld irmaansasho.
irmaansasho eeg irmaanso. ld irmaansad, irmaansi.
irmaansi ld irmaansasho.
irmaanso Neef irman cid ka ammaaneysasho.
irrid Meel furan oo laga soo galo (deyr, guri qol iwm).
irsaaq (1) Wax la cuno oo lagu noolaado. ld arsaaq, arsaaqad, irsaaqad, irsiq.
irsaaq (2) Wax la cuno oo lagu noolaado cid siin.
irsaaqad ld arsaaqad, irsaaq¹.
irsaaqid eeg irsaaq².
irsiq ld irsaaq¹.
irtid I. ah: geesi aan gabban.
irtidnimo Irtid ahaansho.
is (1) I.kayga, i.kaaga iwm: qof laftiisa, nafta tiisi ah iwm.
is (2) 1. magacuyaal layeele oo falka ku celiya falsameeyaha, taasoo macneheedu yahay in yeelaha iyo layeeluhu isla mid yihiin. Tus. “Cali ayaa is faanshay”. 2. magacuyaal layeele oo dhacdada falka wadaajiya dhowr ruux ama waxyaalo kale. Tus. “Labadoodu waa is waayeen”.
is (3) Erey xoolaha lagu yiraahdo kolka la doonayo inay dib u noqdaan ama leexdaan.
is-afdhaaf (1) Hadal dagaal ku jiro oo laba qof ama ka badan dhexmara.
is-afdhaaf (2) Hadal dagaal ku jiro laba qof ama ka badan dhex marid.
is-afdhaafid eeg is-afdhaaf².
is-afgaranwaa (1) Is fahmid la'aan.
is-afgaranwaa (2) Laba qof ama ka badan is famhi waayid.
is-afgaranwaayid eeg is-afgaranwaa².
is-arag 1. Kulan laba qof ama ka badan dhex mara. 2. Tartan dhex mara laba kooxood.
is-dhimid eeg isdhin².
<< < 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 > >>

 

Exit mobile version