Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: umaamadan
codkar C. ah: qof hadalkiisu fasiix yahay oo figraddiisa si fiican u jeedin kara.
codkarnimo Codkar ahaansho.
codlaawe (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo aan afka dabayli ka soo baxayn.
codle (c.af) Xaraf marka lagu dhawaaqayo dabayl xoog lihi afka ka soo baxdo.
codo Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
codsad ld codsasho.
codsasho eeg codso. ld codsad, codsi.
codsi Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. ld codsasho.
codso Wax si xushmad iyo qaddarin leh u weyddiisasho.
cokad ld cukad.
cokadayn ld cukadayn.
cokadee ld cukadee.
cokan ld cukan.
cokanaan ld cukanaan.
cokanaansho ld cukanaan.
col 1. (u) Koox dad ah oo hubeysan. 2. Laba qof ama ka badan oo isu haya dareen nacayb iyo isdiidmo ku jiro. 3. (u) Koox dad ah oo shaqo ka dhexeysa.
colaad Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.
colaadi Cid cadaad u hayn.
colaadin eeg colaadi. ld colaadis.
colaadis ld colaadin.
coldhob ld collob.
colguri 1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.
colleysad ld colleysasho.
colleysasho eeg colleyso. ld colleysad, colleysi.
colleysi ld colleysasho.
colleyso Cid la colloobid.
collob 1. Hilib si yaryar oo oodkaca ka waaweyn loo jaro oo subag lagu shiilay ku jira. 2. Oodkac. ld coldhob, locob.
colloobid eeg collow². ld collow¹.
collow (1) ld colloobid.
collow (2) La c.: cid colaad u qaadid.
<< < 258 259 260 261 262 263 264 265 266 267 268 > >>

 

Exit mobile version