colaad
(m.dh)Dareen nacayb iyo isdiidmo ku jira oo laba qof ama ka badan isu hayaan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh colaad ↴
aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
nabaaddiino [m.dh]
1. Ku sugnaan xaalad aan waxyeello iyo colaad lahayn; nabad. 2. Duco dad kala tegayaa isku sagootiyaan; nabadgelyo.
nabad [m.dh]
1. Waxyeello iyo colaad la'aan. 2. Caafimaad iyo ladnaan.
nabad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bday, -badday; -bdi)
La n.: Qof, qof kale oo ay colaadi dhex tiillay la heshiin.
nabaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.
nabdi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
oog [m.dh] (-go, m.l)
1. Subaxnimo. 2. Dab weyn oo sida badan loo shido in la isaga digo colaad. 3. Calaamad cad oo ay lo'da qaarkeed wejiga ku yeelato.
ummuladdoox [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.
waanwaan [m.dh]
1. Nabad yar oo ay kala dhigtaan laba qolo oo ay colaadi dhex tiil, heshiis nabadeed oo ku meel gaar ah. 2. Rajo.
ba'an [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-'naa, -'nayd)
1. Wax aad u dhibaato badan ahaansho (abaar, colaad iwm). 2. Wax gardaran ahaansho. 3. Ku b.: wax, wax aad uga hela ahaansho. Tus. “Warfaa sigaarkuu ku ba'anyahay”. 4. Ku b.: wax, wax aad u yaqaan ahaansho. Tus. “Jaamac xisaabtuu ku ba'anyahay”.